Al-Shabaab oo war kasoo saartay qaraxii lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed

Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, oo lagu dilay dad ay ku jirtay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

Qaraxa koowaad, oo uu geystay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay gudaha xerada Lamagalaay gaar ahaan afaafka xarunta madaxtooyada HirShabeelle, waxaana ku geeriyooday xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo qaar ka mid ah ilaaladeeda.

Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay banaanka xerada, halkaas oo lagu beegsaday ciidamo iyo saraakiil, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. 

Kooxda Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan, sida ay faafisay warbaahinta taageerta kooxdan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxyada ku dishay dhowr iyo toban qof oo isugu jira siyaasiyiin u sharraxnaa xildhibaanimo, mas’uuliyiin ka tirsan DF iyo kuwa HirShabelle, askar iyo shacab kale. Lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah

Sheegashada Al-Shabaab ayaa imaneysa ayada oo siyaasiyiin badan iyo shacab ay ku eedeeyeen Villa Somalia inay ka dambeysay dilka xildhibaan Aamina oo aheyd gabar aad ugu ololeysay inay cadaalad hesho Ikraan Tahliil. 

Villa Somalia ayaa toddobaadyadii tegay wadday olole lagu doonayey in xildhibaan Aamina looga saaro liiska musharaxiinta kursigii ay ku fadhisay.