Caro xoogan oo ka dhalatay qoraal uu Farmaajo kasoo saaray dilka xildhibaan Amina

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal tacsi ah oo xafiiska warfaafinta madaxtooyada soo dhigtay barta Facebook iyo Twitter-ka ee Villa Somalia, oo ku saabsanaa dilka xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, ayaa dhaliyey falcelin caro leh oo ka timid shacabka.

Qoraalka ayaa dadweynaha Soomaaliyeed ee falcelinta ka dhiibtay waxay si isku mid ah u muujiyeen naceybka ay u qabaan Farmaajo ayaga oo ku eedeeyey inuu isaga ka danbeeyay dilka marxuumad Aamina.

Xildhibaan Aamina ayaa doorkeedii koowaad ahaa caddaalad u raadinta marxuumad Ikraan Tahliil, ayada oo maalmo ka horna la isku dayay in kursigii ay u tartameysay la boobo, waxayna hormuud u aheyd shaqsiyaadka fara ku tiriska ee Farmaajo iyo kooxdiisa si aan gambasho laheyn ugu eedeyn jirtay inay ka danbeeyeen dilka Ikraan Tahliil.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee ka fikrad dhiibtay iyo kuwii ka falceliyay qoraalka Farmaajo ayaa intaba si isku mid ah comment-yadooda ahaayeen in xildhibaanad Aamina uu dilay, isla isagana uu ka tacsiyadeeynaayo, inkasta oo aan la caddeyn karin cidda dishay.

Waxaan haalkaan hoose idiin kula wadaageynaa qaar ka mid ah falcelinta iyo carada ay u qabaan shacabka madaxweynaha xilka ka dhamaaday ee xafiiska sii jooga.

Haddaba waa kuwan qaar ka mid ah dadkii fikirka ka dhiibtay qoraalka Farmaajo

Maryan Muhiyadin Mohamud: Munaafaqnimada iska daa ina Farmaajow, akhira war waa jiraa, waad ka rumeysen warkiini idinkaase ku dhib qaba, adduunyada awalba waa laga tagi lahaa waxaase sharaf ugu tagtay maama Aamina iyo intii kale ee aad gowracateen.

Abdrizak Yusuf Dhagacade: Dhiigyo cab aan arxan laheyn ayaa tahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa lagu xisaabin adduun iyo aakhiraba Insha’Allaah.

Samia Mahmet: Aakhiro ayey su’aal jirtaa waxbadan aad aduunka ku bi’iseen waa la idin ka xisaabin doona.

Ibrahim Ahmed: Farmaajo waxba ha tacsiyeeyn gabdhaas adiga ayey kugu maqan tahay sida ay Ikraan kuugu maqan tahay!

Umulkheyr Moalin Mohamed: Al-Shabaab been ha ka sheegin adaa sabab u ahaa dilkeeda. Farmaajow beenaale inta dishaa tacsiyeyne, Alle waa ku arkaa, dadkuna wey ku fahmeen, Allaha ha naga kaa qabto adiga balaayo Soomaali loo soo diraa tahay wallaahi. Maama Amina Alle weyne ha kuu naxariisto janada hooygaadu noqoy, Insha’Allah.

Cajab Cumar: Dadkaan dil laguma dhameyn karo maafiyadaan kugu hareereysan inteysan adiga ku haligin, Allow yaa ku dhaha maalmahaaga sii dhamaanaya cadeyn la’aan ku dhameyso waa iga talo. Oohinta yaxaaska. 

Ikhlaas Dhaqane Ahmed: Bin’aadamka saa rabtid iskaga dhaadhici, qofka aan wax ka qarsooneyn waa Allah. Alle ha u naxaristo maama Aamina Maxamed Cabdi.

Abdinaasir Diiriye: Waddankaan kuuma baahne iskaga tag, xildhibanad Aamino Allah u naxariiste sharaf ayey ku dhimatay halganekeedina wuu sii socon doona Insha’Allah.

Sulxa Bintu Sulxa: Farmaajow dhagar qabe, inaa umadda dishaan ayaa haddana u tacsiyeyneysaan. Falalkan wuxuushnimada ah ee dalka ka dhaafa iyo umada Soomaliyeed. Abdiaziiz Afrika Allah ha u naxariistee Villa Somalia midaas kama tacsiyeen. Anagoo og xildhibaan Amina ilaah ha u naxariisto qabriga ilaah ha u waasiciyo. 

Abdifatah Mohmud Mohamed: Munaafaqnimo haddaad maqasho waa team-ka Farmaajo iyo Fahad xoog iyo xeelad iyo hanti waxaad ku bixiseen inaad kursiga ka hor istaagtaan markaad ku guul dareysateen ayaad nafta dhaafiseen, tacsi faruuryaha aan dhaafsiisneyna waad soo qoreysaan, Allah umada ha idinka qabto.

Ibrahim Abdullahi: Aad ayaan uga xumahay damiirkaaga dhintay. Ummadan Ilaahay ha ku dhaafiyo, waxaad dhaqan ka dhigatay dilka dadka kaa aragtida duwan. Ilaahay ha u naxriisto xaq u dirir Aamino.