Al-Shabaab oo weerar ka fulisay KENYA + Khasaaraha

Nairobi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha dalka Kenya.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka magaalada Mandera oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in weerarka oo ahaa mid gaamdo ah lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ku sugnaa deegaanka Sheekh Barroow oo hoostaga magaalada Mandera, waxaana kadib xigay dagaal u dhexeeyey labada dhinac.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa shaaciyey inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is-weydaarsanayeen labada dhinac, inkastoo aan la cadeyn karin khasaaraha.

Dhinaca Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkaasi ayaa sheegatay inay ku dishay ugu yaraan hal sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Kenya, sida ay hadalka u dhigtay.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Kenya oo ku aadan weerarkaasi & khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray ciidankeeda.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta la fuliya gudaha wadanka Kenya, gaar ahaan deegaanada xadka Soomaaliya.