Yaa bixiyey amarki lagu dilay wariye Jamal Khashuqji?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018.

Warbixinta oo uu shaaciyay maamulka madaxweyne Biden ayaa waxa ay tibaaxaysaa in amiirka uu ansixiyay qorshada in “la soo qabto ama la dilo” weriyaha uu saldhiggiisu yahay waddanka Mareykanka.

Waa markii ugu horraysay oo uu Mareykanka si cad u sheego magaca amiirka dhaxalsugaha ah, kaas oo diiday inuu armay dilka.

Khaashuqji ayaa waxaa la dilay xilli uu booqanayay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga.

Maxaa ku qoran warbixinta la shaaciyay?

“Waxaan ogaannay in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan uu ansixiyay howlgalkii Istanbuul, ee Turkiga, si loo soo qabto ama loo dilo wariyaha reer Sucuudi Jamaal Khaashuqji,” warbixinta ka soo baxday xafiiska agaasimaha sirdoonka qaranka ee Mareykanka ayaa sidaas lagu sheegay.

Warbixinta waxa ay taxday saddex sababood oo ay rumaysantahay in amiirka dhaxalsugaha ah ay qasab tahay inuu ansixiyay howlgalka:

Warbixinta ayaa sidoo kale waxaa lagu magacaabay shakhsiyaad ku lug lahaa amaba mas’uul ka ahaa dhimashadii Khaashuqji. Hasayeeshee warbixintu waxa ay leedahay “ma ogin mudada ay qorshaynta ku qaateen” dadkii ku lugta lahaa inay ninkaasi waxyeeleeyaan.

Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa waxa ay dilka Jamaal ku eedeeyeen inuu ku yimid “howlgal damiirka ka fog” oo ay qaadeen koox sirdoon ah oo loo diray inay weriyaha dib ugu soo celiyaan boqortooyada, iyadoo maxkamad ku taal waddanka Sucuudiga ay maxkamadaysay oo ay bishii Sibteembar ee sanadkii hore xukun 20 sanadood ah ku ridday shan qof, kaddib markii markii hore ay dil ku xukuntay.

2019-kii, Agnes Callamard oo ay Qaramada Midoobay u saartay arrintaasi inay ka soo warbixiso ayaa waxay dowladda Sucuudiga ku eedaysay “inay fulisay dilka ulakaca ah ee la sii qorsheeyay” ee Khaashuqji waxa ayna gaashaanka u daruurtay maxkamadaynta Sucuudiga iyadoo ku tilmaantay “mid cadaaladda lagu hareermaray”.

XIGASHO:BBC