Dil qorsheysan oo ka dhacay magaalada Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa maanta toogasho ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku sugnaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in askariga la dilay xilli uu ku sugnaa Suuqa Xoola oo ku yaalla xaafadda Howl-wadaag ee degmadaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiay, Macallin Cismaan Cabdikariin, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in raggii ka dambeeysa dilka ay goobta isaga baxsadeen, iyaga oo horey usii qaatay qoriga uu watay askariga.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyaga oo meydka kasoo qaaday halkaasi.

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa Beledweyne ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan, mana jirto wax uu ka qabtay maamulka degmada.