Kooxda Al-Shabab oo weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidanka Kenya daganaayeen

Badhaadhe (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday degaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Dagaalka ayaa ka dhacay saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow oo hoostaga degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka Kulbiyow ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa la sheegay inay gudaha u galeen qeybo kamid ah saldhigga, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaaro xoog leh oo soo gaaray ciidamadii Kenya ee halkaas ku sugnaa.

Sida ay dadka deegaanka u sheegeen Caasimadda Online, xaaladda ayaa hadda ah mid dagan waxaana saldhigga la weeraray ku sugan ciidamadii Kenya ee horey u joogay halkaas.

Saraakiisha ciidamada Kenya ayaan weli ka hadlin weerarka lagu qaaday Saldhigooda, hayeeshee dhowr jeer ayaa sidaan oo kale ay Al-Shabaab weerareen Saldhigyada Ciidamada Kenya ku leeyihiin degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkaan kor u qaaday weerarada ay ka geysteen gudaha Soomaaliya iyo xuduuda dalka Itoobiya.