Al-Shabaab oo xeelad yaab leh u adeegsatay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax loo adeegsaday xeelad la-yaab leh ayaa lagu weeraray askar bar kontorool oo canshuurta lagu qaado ku sugnaa, waxaana weerarkaasi uu geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askartaasi.

Weerarkaan oo ay fuliyeen rag hubeysan oo loo maleynaayo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka bari ee degmada Kaaraan, iyadoo qarax lagu soo dhex qariyay lacag Shillin Somali ah oo lasoo dhex dhigay hal milyan Shillin Somali ah ay gacanta u geliyeen mid ka mid ah ciidamadii qaadayay canshuurta.

Askariga lacagta gacanta ku dhigay ayaa la dhex tegay ciidamadii kale, kadibna ay qarax sameysay qaraxii lacagta dhexda loo soo geliyay.

Askari ayaa ku dhintay, afar kalena dhaawacyo halis ah ayaa soo gaaray, iyadoo loola cararay isbitaalka Keysaneey ee Muqdisho.

Lacagta qaraxa lasoo geliyay ayaa waxaa canshuur ahaan ay u guddoomeen askartii ku sugneyd barta kontorool, iyadoo xeeladdaan cusub ay aheyd mid aad loola yaabay.

Lacagta ayaa waxaa lagu dhejiyay nooc ka mid ah waxyaabaha qarxa, taasoo ay adeegsadaan Al-Shabaab oo ay ku dhejiyaan gaadiidka, qaraxaasi oo il maqabato ah.

Al-Shabaab ayaa xeeladihii horay looga bartay ee weerarada ay mudooyinkaan danbe badashay, iyadoo weeraradii hore ay ahaayeen kuwo aad loo fahmay.