Afar waddo oo u furan Fahad Yaasiin kadib go’aankii ay gaartay Maxkamadda Sare

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa go’aan lama filaan ah oo ay qaadatay ku diiday qaadista Dacwadda kiiska kursiga la xayiray ee Fahad Yaasiin ee HOP086, taasi oo meesha ka saartay rajadii ugu dambeysay ee Fahad.

Maxkamadda Sare ayaa go’aankeeda sabab uga dhigtay in aanay awood u lahayn ka garnaqida cabashooyinka ka dhasha go’aannada maamul ee doorashada dadban ee Barlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxayna aqbashay hor-is-taagga xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda oo matalaya Guddiga doorashooyinka ee heer federaal.

Go’aanka waxa saxiixay sedexda garsoore oo dacwaddan dhagaystay, kuwaas oo kale ah: Gudoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, garsoore Cabdulcasiis Maxamed Yuusuf iyo Garsoore Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

Fahad ayaa sidoo kale aqbalay go’aanka, isaga oo yiri “Markii aan si qotodheer uga baaraandagay qaraarka ay soosaareen garsooreyaashu, waxaan rabaa inaan bulshada Soomaaliyeed la wadaago inaan ixtiraamayo qaraarka kasoo baxay Maxkamadda Sare, oo ah hay’adda ugu sarreysa ee garsoorka dalka, kaasoo ay ku sheegeen in aysan awood u lahayn go’aan ka gaarista gal-dacwadeedka.”

Sidaas awgeed maxay yihiin waddooyinka hadda u furan Fahad Yaasiin, oo hadda ah la’taliyaha dhinaca amniga ee madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

1- Inuu ku noqdo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada 

20-kii bishii February ayaa Fahad kursiga xildhibaannimada Golaha Shacabka loogu doortay magaalada Beledweyne, kaasoo sida uu xilligaas sheegay uu kala kulmay loollan adag.

Hase ahaatee durbadiiba guddiga doorashada heer federaal ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay doorashada kursigaas, taasoo dhalisay muran wayn.

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada ayaa dhankooda sheegay in ay fasaxeen kursiga Fahad, doorashadiisuna ay ahayd mid waafaqsan habraacyada loo asteeyay.

Waxaa xusid mudan, go’aanka guddiga khilaafaadka ma ahayn mid ku yimid cabasho uu u gudbiyay Fahad Yaasiin.

Maxkamadda sare ayaa shalay sheegtay in Fahad ay ahayd inu dacwadiisa u gudbiya guddiga markii la laayay doorashadiisa.

Markii uu isqabqabsigu gaaray ilaa maxkamadda sare, qareennada guddiga doorashada heer federaal waxay ku doodayeen in guddiga khilaafaadka uu ku degdegay tallaabadiisa, uuna go’aan soo saaray xilli uusan u wali u tagin siyaasiga doodda qabay, oo ah Fahad.

Mas’uuliyiinta guddiga doorashada heer federaal ee magaciisa loo soo gaabiyo “FIET” ayaa qudhooda lagu dhaliilay in xubno ka mid ah guddigooda ay goob joog ka ahaayeen meesha ay ka dhacday doorashada Fahad, oo markaas ay ku qanacsanaayeen sida ay wax u socdeen balse markii dambe ay la imaadeen arrin taas ka duwan.

2- In kiiska loo gudbiyo Madasha Wadatashiga Qaranka

Sida ku xusan habraacyada doorashada, haddii uu muran ka dhaco doorashada waxaa tallaabo ka qaadaya Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada, haddiise ay xaaladdu iyaga kasoo gudubto waxaa go’aankooda dib u eegis ku samayn kara Golaha Wadatashiga Qaranka.

Xubnaha uu ka kooban yahay Golaha Wadatashiga aranka waxaa ka mid ah Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka. Madaxweyne Farmaajo wuu ka baxay Golahan balse waxaa dowladda hadda ku matalaya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Labo ka mid ah maamul goboleedyada ayaa loo tiriyaa in aysan la dhacsanayn Fahad Yaasiin, kuwaasoo kala ah Jubaland iyo Puntland, halka saddexda kale oo kala ah Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed lagu tiriyo in ay u janjeeraan dhinaca Fahad Yaasiin. Waxaase aan meesha ka marnayn in Ra’iisul Wasaare Rooble uu miisaan ku leeyahay Madashan.

Go’aanka kama dambaysta ah ee la xiriira khilaafka kursiga HOP086 waxaa gaadhi kara Madasha Wadatashiga Qaranka, oo ah halka ugu sarraysa.

Iyadoo la og yahay in mashquul badan uu ka jiro arrimaha doorashada daba dheeraatay, haddana la isku dayayo in la dedejiyo, waxay u badan tahay inaan niyad badan ku mashquulidda hal kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka.

Laakiin haddiiba ay dhacdo in la hor geeyo ma cadda sida ay ku xallin karaan.

“Waxaan filayaa in Madasha Wadatashiga qaran uusan saaxiibbo badan ku lahayn Fahad, maadaama ay hoggaankeeda qayb ka yihiin Ra’iisul Wasaaraha oo aad uga soo hor jeeda iyo labo maamul goboleed oo uu kaashanayo,” ayuu yidhi Daahir Qoriyow Isaaq, oo ah falanqeeye ka faallooda arrimaha gobolka.

3- Inuu aqbalo ku celinta doorashada kursiga

Maadaama ay Guddiga doorashada Heer Federaal dhanka maxkamadda uga guulaysteen Fahad Yaasiin, waxaa waddooyinka u furan hadda ka mid ah inuu iska aqbalo sida ay wax u wadaan, sidaasna uu mar labaad ugu soo diyaar garoobo ololaha doorashada ku celiska ah.

Waxaa la xasuustaa in dhawaan uu khilaaf wayn ka dhashay natiijada saddex kursi oo lagu soo doortay maamul goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaasoo ugu dambayn lagu heshiiyay in labo ka mid ah sidooda lagu fasaxo midka kalena doorashadiisa lagu celiyo.

Hase yeeshee su’aasha ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah in haddii doorashada lagu celiyo ay ergada dooranaysa xildhibaanka iyo ugaasyadii soo xulay odayaasha ay noqon doonaan isla kuwii hore.

4- Inuu arrinta oo dhan ka haro

In muddo ahba waxaa la isla dhex marayay in Fahad Yaasiin uu u hanqal taagayay kursiga guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, sidaasna ay ahayd sababta uu xildhibaannimada u raadinayay.

Wax ka yar hal isbuuc ayaa hadda ka harsan doorashada guddoonka baarlamaanka kaddib markii la dhaariyay inta badan xildhibaannada lasoo doortay.

Waxaa suuragal ah in haddii doorashada kursiga Hop086 lagu noqdo ay howshaasi ka dib marto xilliga guddoonka la dooranayo. Taas waxay sababi kartaa in Fahad uu isaga haro doorashada, kaddibna uu xoogga saaro dadaalka lagu bixinayo ololaha doorashada Madaxweyne Farmaajo.

Dad badan ayaa aaminsan in arrimo siyaasadeed ay salka ku hayaan sababta uu muranka u galay kursiga uu u tartamayay Fahad Yaasiin.

Waxaa ka mid ah in laga hor istaagayay suurtagalnimada inuu u tartamo xilka guddoomiyaha Golaha Shacbka, sida uu qabo Daahir Qoiyoow. Balse sidoo kale waxa uu sheegay in arrintu ay xitaa taas kasii wayn tahay.

“Siyaasadda ugu wayn ee hadda socota waa in Fahad laga hor istaagayo kursiga afhayeenka baarlamaanka. Laakiin taas kaliya ma aha. Fahad waa nin saamayn ku leh siyaasadda isagoo aan xubin ka mid ah baarlamaanka ahayn madaxweynena ahayn.

“Marka xitaa xubinnimadiisa baarlamaanka ayaa culays wayn ku ahayd mucaaradka kasoo horjeeda madaxweynaha ama isaga siyaasadiisa. Ma aha kaliya in laga daahinayay kursiga uu u hanqal taagayo waxaase macquul ah in laga daahinayo doorashooyinka hadda socda si isagoo gudaha ku jira uusan uga dhex ololeynin baarlamaanka,” ayuu yidhi Daahir.