Amancio: C.Ronaldo wuxuu noqon karaa xidiga ugu goolasha badan R.Madrid.

Cristiano Ronaldo ayaa booska sagaalaad kaga jira liiska tobanka ciyaaryahan ee ugu goolasha badan kooxda Real Madrid, waxayna sedaxleydii uu ka dhaliyey Ajax ka dhigeysaa inuu kaalinta sagaalaad ku galo 158 gool oo uu u dhaliyey kooxda reer Spain, waxaana lagu dhiiri geliyey ninka reer Portugal inuu liiskaan hugaamiye ka noqon karo.

Kabtankii hore ee kooxda Real Madrid Amancio Amaro oo ah ninka ku jira kaalinta Tobnaad isagooo leh 155 gool ayaa qaba inuu noqon karo ninkii ugu goolasha badnaa ciyaartoydii soo martay Real.

wuxuuna u sheegay shabakada Goal.com inuu ku faraxsan yahay in Rikoorkiisa laga jebsho.

“Miyey ii keeneysaa aniga murugo hadii ay ciyaartoyda Real Madrid ka gudbaan goolasheyda? Maya,” ayuu yiri.

“Xittaa kama welwel qabo intii gool ee aan Real Madrid u dhaliyey, waxaa jira ciyaaryahano iga sareeya- keliya hada ma ahan Cristiano Ronaldo. Hada ma ahan inaan ka welwelo goolasha uu dhaliyey, laakiin wuxuu noqon karaa huga,miyaha goolasha.”

Tobanka ciyaaryahan ee ugu goolasha badan REAL MADRID

 

Ciyaaryahan

Xiligii

Goolasha

Raul Gonzalez

1994-2010

323

Alfredo Di Stefano

1953-1964

308

Santillana

1971-1988

290

Ferenc Puskas

1958-1966

238

Hugo Sanchez

1985-1992

208

Francisco Gento

1953-1971

179

Pirri

1964-1980

171

Emilio Butragueno

1984-1995

171

Cristiano Ronaldo

2009-

158

Amancio

1962-1976

155