Manchester City oo 30 milyan u diyaarineysa inay Janaayo kusoo qaadato Jovetic.

Manchester City ayaa diyaar u ah inay sameyso dhaqaaqoodii labaad bisha Janaayo iyagoona soo xero gelinaaya ninka 30 milyan oo euro lagu qiimeeyo ee weerarka uga ciyaara kooxda Fiorentina Stevan Jovetic.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ay soo xigatay shabakada Goal.com, ayaa sheegaya in City ay xigaan la kulantay isbuucii lasoo dhaafay, laakiin kooxda Serie A ayaan ka fuqin qiimaha ay ku dooneyso xidiga weerarka ku wanaagsan.

Waxaa la fahamsan yahay in Fiorentina ay heshiis shaqsi ah la gaartay Jovetic kasoo lagu iibinaayo sanada soo aadan, taasoo inta badan ay waayihiisa kooxda Viola soo idleynaya dhamaadka sanadka.

Si kastaba, Sky Blue ayaa u dirtay madaxa horumarinta Ispoortiga ee kooxda Patrick Vieira, inuu soo daawado kulankii ay Fiorentina guul darrada 2-1 ka ah kala kulantay kooxda Inter.

Kooxda heysata hotyaalka Premier League ayaana diyaar u ah inay bisha January dhiig cusub kusoo darto ciyaartoydeeda, iyadoo xidigaan lagu qiimeeyo mid ka mid ah dhalinta ugu wanaagsan Yurub.

Laakiin waxay wajihi doonaa dagaal adag oo kala dhexeyn doona Juventus, taasoo 20 milyan oo euro oo ay ku dooneysay weeraryahanka laga soo diiday xagaagii lasoo dhaafay.

Ninka lagu naaneyso ‘JoJo’,  Jovetic ayaa afar gool dhaliyey lixdiisii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka cusub.