Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada badda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay 30 sano kadib soo saaray amarro ka baxsan gudaha ciidamada oo si toos ah taabanaya nolasha dad badan oo shacab ah.
Amarkaan ay soo saareen ciidamada Mariiniska Soomaaliya ayaa ah mid ku wajahan kaluumeysata xeebaha magaalada Muqdisho, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan kalluumeysatada Muqdisho.
Amarkaan ayaa ah in kalluumeysatada xeebaha magaalada Muqdisho ay soo gudbiyaan sawirrada iyo magacyada milkiilaha doomaha iyo wadaha doonta, ka hor inta aan loo ogolaan badda.
Kalluumeysatada ayaa shalay dhigay Banaanbax inkastoo markii ay dambe ay isku fahmeen iyaga taliska ciidamada badda, sida aan xogta ku helnay.
Ciidamada Badda Soomaaliya oo ah qeyb ka tirsan ciidamada difaaca Soomaaliya ayaa wali ka soo kaban burburkii gaaray waxaana aad u hooseeyo soo kabashadooda markii loo eego qeybaha kale ee ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.