XOG: Diyaarado ka degay Hargeysa kadib furitaankii shirka Jabuuti iyo kaalinta DF

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maalintii Axadii madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal International soo cago-dhigatay labo diyaaradood, kadib furitaankii shirka Jabuuti ee wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Diyaaradahaasi ayaa ahaa kuwo ay hore u diiday Somaliland oo la sheegay inay buufinayeen Ayaxa, isla markaana la soo mariyay dowladda federaalka Soomaaliya, oo iyadu maamul goboleedyada dalka sii gaadhsiineysay.

Imaatinka diyaaradahaasi ayaa lala xiriiriyey furitaanka shirkaasi iyo is-fahan wada-shaqeyn oo ka dhalanaya dowladda federaalka iyo Somaliland, oo muddooyinkii dambe ay ka dhex aloosneed xiisad xoogan.

Wasiirka beeraha Somaliland iyo xubno ka tirsan Hay’adda beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa madaarka Hargeysa kusoo dhaweeyay diyaaradahaasi oo xiligan baahi weyn u qabto Somaliland, maadama uu Ayax faro badan ku habsaday qaar kamid ah deegaanadeeda.

Wasiirka beeraha ayaa sheegay in dadaal badan galiyeen diyaaradahaasi, kuwaasi oo uu sheegay inay wax ka tari doonaan sidii loo dabar-goyn lahaa ayaxa faraha ba’an ku haya.

Diyaaradahaasi ayaa kamid ahaa kuwo ay hore u diiday xukuumada Somaliland, xili loo soo mariyay dowladda federaalka, balse xiligan si madax-banaan uga soo dageen madaarka Hargeysa, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Wasaarada beeraha.

Talaabadaasi ayaa muuqata mid lagu dabaqayo is-fahan hordhac ah oo laga gaadhay in Somaliland si toos ah loogala tacaamulo deeqaha, iyada oo Hay’addaha caalamiga ahna ay si madax-banaan ula tacaamuli karaan xukuumada Somaliland, iyaga oo soo mareyn dowladda federaalka.