Dibad-baxyo ka dhan ah Puntland oo laga abaabulayo magaalada Boosaaso (Aqri)

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi uu ka socda abaabulka dibad-baxyo ballaaran oo lagu wado inay dhigaan shacabka ku dhaqan gudaha magaaladaasi.

Dibad-baxyadaasi ayaa waxaa lagu soo warramayaa in looga horjeedo Puntland, gaar ahaan hanaanka ay u qaybisay afarta waaxood ee ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee maamulkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qorshuhu yahay in la qabto mudaharaadyadaasi maalinta jimcaha ee ina soo aadan,haddii aysan maamulka degmada wax ka bedalin.

Sidoo kale qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyey wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland inay dhibaato iyo kala qeybin ka wado magaalada Boosaaso, islamarkaana ay ka tirsanaayaan cadaalad darro.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda sare ee Puntland oo ku aadan xiisada ka taagan halkaasi.

Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay uu muran ka taagnaa sida loo qeybiyey afarta waaxood ee Boosaaso, taas dhalisay xiisad hore leh oo u dhexeysa wasaaradda arrimaha gudaha Puntland iyo shacabka ku nool magaaladaasi.