Danjire America: “Kenya waa in ay raali gallin ka bixisaa xariggii qunsulka”

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa hadlay tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa soo turjuntay wareysi uu siiyay Shabakadda Sabahi, dajire Ameeriko oo lagu qoray af Ingiriis.

Ugu horreyn danjire Ameeriko ayaa ka codsaday dowladda Kenya in ay raalli galin ka bixiso xariggii 25-kii bishii horre kula kacday qunsulka Soomaaliya u qaabilsan Kenya, Siyaad Maxammud Shire.

Dajire Ameeriko oo hadda si KMG ah ugu sugan Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay sidda uu dhacay xarigga diplomaasiga Soomaaliga ah iyo tallaabadaas wax yaabaha ay u dhimi karto xiriirka diplomaasi ee u dhexeey labada waddan.

Wuxuu sheegay qunsulka in la xiray isagoo u socday gurrgiisa Jimicihii horre, isagoona kolkaas maryay goob ciidamada Kenya ay ka wadayn howgallo raaf ah.

“Booliska ayaa joojiyay kuna yiri keen dikumintiyada aad wadato, wuxuu soo bixiyay kaarkiisa diplomaasi isagoona isugu sheegay in uu yahay qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya”

Wuxuu sheegay in arrintaas aan dhag jalaq loo siin deetana xabsiga la dhigay oo la xiray isagoona intaas ku daray markii ay tagayn xabsiga in ay la kulmayn sarkaalka booliska una sheegayn ninka la soo xiray in uu yahay dilomaasi Soomaali ah, laakin arrintaas waxbo iskama badalin ayuu yiri.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali Nuur oo ka soo dagaya diyaarad soo fadhiisatay garoonka Aadan Cadde isagoona xambaarsan carruur ka mid ah dadka laga soo tarxiilay Kenya 17-kii bishii April
Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali Nuur oo ka soo dagaya diyaarad soo fadhiisatay garoonka Aadan Cadde isagoona xambaarsan carruur ka mid ah dadka laga soo tarxiilay Kenya 17-kii bishii April

Qunsulka waxaa la geeyay xabsiga Kilimani, markii loo diidday in la sii daayo, intaas kaddib waxaan la xiriiray madaxa booliska iyo wasiirka arrimaha dibedda waxaana u sheegay sidda ay wax u dhaceyn ugu dambeyn waa la sii daayay” ayuu yiri Dajire Ameeriko.

Waxaa la weydiiyay sidda uu u arko qaabka loola dhaqmay qunsulka?

Wuxuu yiri “Aad ayaan uga xumay qaabka loola dhaqmay waana mid dhaawici karta xiriirka diplomaasi ee Kenya iyo annaga waxa ay ahayd tallaabo khaldan oo xad gudub ku ah xeerarka diplomaasiyada caalamka.”

Waxaa kaloo la weydiiayy wax yaabaha ay ka rabaan dowladda Kenya in ay sameyso?

Wuxuu sheegay in ay doonayaan dowladda Kenya in ay raalli galin ka bixiso wixii dhacay oo ay dowladda Soomaaliya siiso isla markaana aysan soo laaban tallaabadaas oo kale

Waxaa kaloo la weydiiyay ilaa hadda wax jawaab Kenya ka soo saartay falkaas?

Wuxuu shegeay in ilaa hadda aysan jirin wax jawaab oo ka timid dowladda Kenya, balse wuxuu yiri si shakhsi ahaan ayaa wasiirka arrimha dibedda Kenya Amiin Maxamed raalli galin iisiisay oo ku saabsan qaladka dhacay.

Muwaadiniin Soomaali iyo Ethiopian ah oo lagu soo qabtay howgallo ka dhana ah argixiso oo ciidanka booliska ay ka sameeyeen xaafadda Islii
Muwaadiniin Soomaali iyo Ethiopian ah oo lagu soo qab qabtay howgallo ka dhan ah argixiso oo ciidanka booliska ay ka sameeyeen xaafadda Islii

Waxaa la weydiiyay in tallaabadan aaney ahayn tii ugu horretsay oo uu jirro diplomaasi kale oo Soomaali ah oo ku xiran Kenya, waxaa la weydiiyay oo kale in uu ka warbixiyo sidda uu u dhacay xarigga xoghayihii safaaradda Ilyaas Yuusuf  Warsame bishii January?

Dajire Ameeriko ayaa xusay in weli uu xiran yahay Mudane Ilyaas isla markaana uu socdo baaritaan intaas wax dhaafsiisanna uusan ka bixin karin.

Waxaa la weydiiyay in falka ciidamada Kenya ay ku dhaqaaqeyn in uu dhaawici karo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya?

Danjire Ameeriko ayaa tilmaamay in lix sanno iyo ber uu ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya, uusan weli arkin dhacdada dhacday oo kale, isagoona intaas ku daray in ay u baahan yihiin raalli galin buuxda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com