Quursiga Kenya iyo hab-dhaqanka DF SOMALIA ee doqon-ma-garatada ah

Dabeecadaha Diplomaasiyadda ayaa waxaa ku sidkan qoddob laguma xad-gudbaan ah oo lagu dhowrayo Haybadda iyo Xasaanadda Diplomaasiyiinta.

Xeerarka Caalamka ayaana lagu muujiyey xushmadda Diplomaasiga iyo inaan lagu xad-gudbi Karin, lana baari Karin oogadiisa, shandadihiisa iyo Dhismayaasha Safaaradaha, Qunsulliyadda iyo Ergooyinka.

Xushmadda noocaasi haddii lagu xad-gudbo waxaa ka dhasha Xasaasiyad ka mug weyn xitaa hubka la isla dhaco, waxaana taasi laga dareemi karaa sida ay xaalladuhu u cakirnaadaan, marka uu khilaaf Dipolmaasiyadeed ee soo kala dhex galo Dowladaha Caalamka.

Haddii ay Dowladuhu khilaafkooda Diplomaasiydeed ku xalin waayaan saacaddo iyo maalmo gudaheeda waxaa hubaal ah inuu xiriirkii Diplomaasiyadeed bohol laga tuuray.

Dowladdii Kacaanka ee Madaxweyne Jeneral Maxamed Siyaad Barre, Allaha U naxariistee hoggamain jirey ayaa tusaale loo soo qaadan karaa Dowladihii soo maray Dalkeenna ee ay Xiisadaha Diplomaasiyadeed saamaynta ku yeeshen.

Sannadihii 60-aadka iyo dabayaaqadii 70-aadkii ee Qarnigii hore, Dowladdii Midowgii Soofiyeeti ee burburtay (USSR) ayaa waxay xiriir Diplomaasiyadeed, mid Milliteri iyo mid Dhaqaale la lahaayeen Dowladihii isaga kala dambeeyey Talada Somalia ilaa Dowladdii Kacaanka ee Nidaamka Hanti-wadaagga ku dhaqmi jirtey.

Dagaalkii 77-kii ee ay Ciiddankii XDS la galeen Ciiddamaddii dalka Ethiopia ayaa waxa uu folkaano Diplomaasiyadeed ka dhex dhaliyey Dowladihii Somalia iyo Midowgii Soofiyeeti (USSR), kadib, markii ay Maamulayaashii dalkaasi bilaabeen inay u xagliyaan Hoggaamiyihii Milliteriga ee hayey Taladda dalkii Midowgii Soofiyeet, Kornel Mingiste Haie Mariama oo Ciiddankiisa looga gacan-sarrreeyey Dagaalkii 77-kii.

Golihii Sare ee Kacaanka ee hayey Talada dalkeenna Somalia, waxay kulan khaas ah ka yeesheen arrintaasi, waxayna guddoonsadeen inay Dowladdii Midowgii Soofiyeeti u jaraan xiriirkii Diplomaasiyadeed iyo in waqti kooban loo qabtay Diplomaasiyiintii Midowgii Soofiyeeti si ay uga baxaan Somalia.

Go’aankaasi ayaa lagu tilmaamaa inay ka mid ahaayeen Go’aamadda fara-ku-tiriska ee ay Jeneral Maxamed Siyaad Barre iyo Golihii Kacaanka ku tallaabsadeen.

Haddaba, haddaynu u soo laabano Xiisadda Diplomaasiyadeed ee haatan ka dhex aloosan Dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa waxaa la oran karaa inay abuurtay xasaasiyad xoogan.

Isbuucii hore ayey ahayd markii ay Ciiddanka Boliska Kenya ku tacadiyeen Qunsulka Guud ee Safaaradda Somalia ku leedahay magaalladda Nairobi.

Dilomaasi Siyaad Maxamuud Shire ayaa la sheegay inay Boliska Kenya ka qabteen Xaafadda Hurlingham ee Nairobi, kadibna waxaa muddo labo saacadood ku hayeen Saldhigga Boliska ee Kilimani.

Danjiraha Somalia u jooga Kenya, Ambassador Mohamed Ali Ameriko ayaa u hawlgalay sidii lagu sii dayn lahaa Qunsulka Guud, wuxuuna ugu dambeyntii ku guuleystay inuu Qunsulka ka soo saaro Xabsigii Saldhigga ee lagu hayey.

Xarigga Qunsulka Guud, Siyaad Maxamuud Shire ayaa waxay abuurtay Xiisad Diplomaasiyadeed, waxayna Dowladda Federalka qeylo-dhaan ka keeneen xad-gudubkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Mohamed iyo Guddoomiyaha Barlamaanka, Prof. Mohamed Sheekh Osman Jawaari, waxay dhamaantooda muujiyeen inay ka xun yihiin Tacadigaasi, waxayna ugu baaqeen Dowladda Kenya inay jawaab rasmi ah ka bixiyaan Xagdudubka loo geystay Qunsulka Guud ee Safaaradda Somalia ku leedahay magaalladda Nairobi.

Dowladda Kenya waxay ka gaabsatay inay jawaab ama raalli-gelin Diplomaasiyadeed ka bixiyaan xad-gudubkaasi, waxayna dhegaha ka fureysteen hadalkii Dowladda Federalkaa ee ahaa inay jawaab rasmi ah ka bixiyaan xad-gudubka ay Boliskooda u geysteen Diplomaasi ka tirsan Safaaradda Somalia ku leedahay magaalladad Nairobi.

Xeeldheerayaasha ayaa tilmaamay inaysan Dowladda Kenya wax kulayl iyo qabow ku haynin Tacadigaasi, maadaama ay dhegeha ka fureysteen codsiga loo soo jeediyey.
Dowladda Federalka ayaa laga filayey inay jawaab falcelin ka qaataan ilhaanadda loo geystay Qunsulka Guud, Siyaad Maxamuud Shire, laakiinse waxay u muuqdaan kuwo ka meermeeraya inay Nidaam Diplomaasiyadeed kaga aar-goostaan gefka lagula kacay Qusulka Guud.

Fal-celin kasta oo ku xiriirsan Dagaalka Diplomaasiyadeed waxa uu leeyahay xilli iyo xad go’an, taasi oo loo baahan yahay in laga jawaab celiyo fal kasta oo xad-gudub ku ah Haybadda Dowladnimo.

Diplomaasiyadda Dowladda Federalka ayaa waxaa la dhihi kara inaysan xushmad ku lahayn Dowladaha kale, waayo jawaab la’aanka Kenyaatiga waxay muujinaysaa Quursiga lo ohayo Dowladda Federalka.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inaysan Dowladda Federalka ku firfircoonayn Xeeladaha Diplomaasiyadda, oo halkii laga doonayey inay Dowladda Kenya si toos ah ugala hadlaan qaddiyadaasi ayaa waxaa haatan u muuqata in loo kala ergeynayo.

Fashilka kale ee Dowladda Federalka haysta waxay tahay iyadoo awoodi la’ inay Dowladda Kenya sii daayaan Kumanaanka Muwaadiniinta Soomaalida ee lagu qabtay raafkii Nairobi, kuwaasi oo weli Maxkamad la’aan lagu hayo Saldhigyadda Boliska iyo Garoonka Kazarani.

Qabweynidda ka muuqato hab-dhaqanka Dowladda Kenya ayaa waxay ku go’aansatay in ay Qunsul u soo magacaabaan magaalladda Kismaayo, iyadoo uusan Qunsulkaasi fasax ka haysanin Dowladda Federalka iyo Wasaaradda Arrimaha dibedda oo iyadu mas’uul ka ah Diplomaasiyadda Qaranka.

Markaynu isku soo duubno Karti la’aanta ka muuqata Dowladda Federalka ayaa waxay horseedi kartaa inay Reer Kenya sii wadaan tacadiyadda ay kula kacayaan Muwaadiniinta Soomaalida ee ku dhaqan Kenya, iyadoo aan loo kala soocaynin qaxooti, Siyaasi, Ganacsade ama Diplomaasi.