Amisom oo cadeysay cidda ay la jirto DF iyo madaxda maamul goboleedyada!!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxda howgalka AMISOM ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka sii xoogeysanayo ee ka dhaxeeyo dowladda dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada kaasoo ka dhashay muranka u dhaxeeyo dowladaha Carabta ee keenay in xiriirka loo jaro dowladda Qatar.

Simon Mulongo, oo ah ku xigeenka wakiilka midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa si cad uga hor yimid Madaxda Maamul Goboleedyada isla markaasna taageeri u muujiyey dowladda dhexe.

Simon Mulongo, ayaa difaacay dowlada Soomaaliya, isagoo sheegay in madaxda maamulada ay ku qaldan yihiin inay dhinac kala saftaan xiisada khaliijka.

“Imaaraadka wuxuu tababaro siinayey ciidamadda Soomaaliya tan iyo 2014-tii, laakiin dowlada Soomaaliya waxay u jartay xiriirkii iskaashiga militeriga kadib murankaan, taasoo aan u wanaagsaneen dib u dhiska ciidamada qaranka,” ayuu yiri Simon.

“Hadda ciidamada Soomaaliya tababaraan Turkiga, Mareykanka iyo Ingiriiska, kuwaasoo soo saaray 800 askari, iyadoo loo baahan yahay 50,000 oo askar si ay AMISOM ugala wareegay mas’uuliyadda amniga dalka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Simon.

Hadalka Simon ayaa wuxuu ka dhigan yahay in AMISOM ay dowlada Soomaaliya la safatay marka ay timaado khilaafka kala dhaxeeya maamulada dalka, taasoo shaki ku buuri karta hogaamiyaasha dowlad goboleedyadda.

Khilaafka oo salka ku haya go’aanka ay xukuumada Muqdisho ka qaadatay xiisada dalalka Khaliijka, kaasoo ay sheegtay inay dhax-dhaxaad ka tahay sanadkii tagey, inkastoo maamulada qaar ay ku eedeeyeen inay dhinac xigsatay, oo u weecatay Qadar.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa si cad ugu sheegay saxaafada in dowladda federaalka ay la safatay Qadar, sidaas darteeda ay iyagana taageersan yihiin Imaaraadka Carabta.

Dowldda dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada ayaa la filayaa inay Berri  Magaalada Baydhabo ku yeeshaan shirka golaha Amniga, waxaana la rajeenayaa in shirkaas ay qolo kasta kusoo bandhigi doonto tabashadeeda.

Sidoo kale Waxaa dhamaadka Bishan June ka furmaya magaalada Brussels ee dalka Belgium shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxaa ka qeyb galaya Wafdi ay hoggaaminayaan Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, ka hor shirkaas waxaa shirar loogu gogol xaarayo ay ka dhici doonaan Muqdisho.

Tan iyo markii uu bilowday Khilaafka dowladaha Khaliijka wuxuu saameyn xoog leh ku yeeshay dowladda Soomaaliya, iyadoo ay Imaaraadka Carabta dagaal toos ah ku bilowday dowladda dhexe iyadoo adeegsaneyso madaxda Maamul Goboleedyada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com