XOG: Xisbiga DALJIR oo la ogaaday inuu hurinayo khilaafka GALMUDUG

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo uu cirka isku sii shareerayo Khilaafka ka dhaxeeyo madaxda Galmudug ayaa waxaa soo baxayo xog cusub oo ku aadan cidda ka dambeyso inuu bilowdo khilaafkaan cusub.

Shabakadda Caasimadda Online ayaa xog ku heshay in Xisbiga Daljir uu yahay cidda dib usoo celisay Khilaafkii ka dhaxeeyey Madaxda ugu sareyso maamulka Galmudug.

Inkastoo aan loo ogeyn ujeedka rasmiga ah oo uu xisbigaan ka leeyahay Khilaafka cusub ee Galmudug ayaa haddana wararka soo baxayo waxay tilmaamayaan inuu xisbigaan adeegsanayo Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Warar hordhac ah ayaa sheegayo inuu xisbigaan doonayo inuu Galmudug madaxweyne ka noqdo shakhsiga xisbiga hoos tago si ay mustaqbalka uga soo dagaalamaan marka la gaaro doorashada 2020.

Khilaafka Madaxda Galmudug ayaa gaaray meeshii ugu dambeysay, wuxuuna maamulka u kala qeybsamay laba qeyb, madaxweynaha iyo Ahlu Sunna ayaa saldhig ka dhigtay Dhuusamareeb halka Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay dageen magaalada Cadaado inkastoo uu khilaaf ka jiro inay ku shaqeeyaan Madaxtooyada kadib markii ay hor imaadeen wasiiro taagersan Xaaf oo u dhashay magaalada Cadaado.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa safar qarsoodi ah ku jooga magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland, iyadoo socdaalkiisa uu ahaa mid aan laga war heyn.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu ku sugan yahay Madaxtooyada Garowe, waxaana labada Madaxweyne ay yeesheen  wada hadalo ku saabsan khilaafka Galmudug iyo arrimo kale.

Wariyeyaasha Garowe ku sugan ayaa sheegaya in aanay waxba laga ogeyn waxa uu salka ku haayo safarka Madaxweyne Xaaf, isla markaana ay aheyd arrin lama filaan ku noqotay safarka Xaaf, iyadoo aanay warbaahinta ogeyn.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa la sheegay inay wadaan dadaal ay ku xalinayaan khilaafka, iyadoo uu dhowaan baaqday shir ay dowladda Soomaaliya ku dhex dhexaadin laheyd labada dhinac ee Galmudug, kaddib markii uu diiday Madaxweyne Xaaf inuu Muqdisho tago.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com