AMISOM oo ka fal-celisay dhawaqii AQALKA SARE

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia ayaa dhawaan warqad dalaba u gudbiyay Taliska Ciidamada AMISOM, taa oo lagu dalbanaayay ciidamo ka tirsan taliska oo suga amniga Xarunta Golaha.

Dalabka Guddoonka oo horay u baxay March 24, 2018, ayaa iminka waxaa ka jawaab celshay Taliska AMISOM oo markii hore ka gaabsaday ka jawaabida warqada.

Taliska oo ka falcelinaya dalabka ayaa iminka ciidamo aad u hubeysan isla markaana wata gaadiidka gaashaman geeyay Xarunta Golaha.

Ciidamadan ayaa la dhigay dhamaan hareeraha xarunta iyo albaabka laga galo xarunta, waxaana ka dhinac shaqeeya ciidamo si aada u tababaran oo ka tirsan NISA.

Ciidamada AMISOM oo qaba dareen gaara oo muujinaaya cabsida keentay dalabkooda ayaa gaadiidka Xildhibaanada Aqalka Sare iyo kuwa shaqaalaha mariya baaritaano adag.

Gaadiidka gaashaman qaarkood ayey ku jareen wadooyinka danbe ee laga soo galo xarunta sababo la xiriira cabsida ka jirta xarunta Golaha oo salka ku heysa weerar lagu qaado.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa sheegay inay ka mahad celinayaan falcelinta Taliska AMISOM, waxa uuna carab dhabay in dalabkooda uu ahaa in loo keeno ciidamo ka tirsan AMISOM kuwaa soo oo loogu tala galay in ay suggaan Amniga xarunta Aqalka Sare.

Xarunta Golaha Aqalka Sare ayaa ku dhinacyaal dhismaha Hay’adda Sirdoonka Somalia ee Maama Khadiija oo ah xarun aad loo adkeeyay amnigeeda.

Si kastaba ha ahaatee, amniga xarunta oo aad loo adkeeyay ayaa waxaa iska kaashanaaya ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com