Britain oo war Saudi Arabia dhibsaneyso kasoo saartay suxufi Jamaal Khashoggi

London (Caasimada Online) – Dowlada Britain ayaa shaaca ka qaaday in Sacuudiga lagula xisaabtami doono kaalinta ay ku leedahay dilka weriyaha lagu magacaabo Jamal Khashoggi.

Xoghayaha arrimaha dibeda Britain Jeremy Hunt ayaa sheegay in dowladiisa ay aad uga xun tahay falka foosha xun ee Sacuudiga uu kula dhaqmay Jamal Khashoggi oo ilaa iyo hadda lagu la’ yahay nolol iyo geeri.

Wasiirka arimaha dibeda sacuudiga Adel al-Jubeir, iyo dhigiisa Britain Jeremy Hunt oo qadka taleefanka kuwada hadlay ayaa waxaa sacuudiga looga digay in nolosha iyo badqabka Jamal ay noqon doonto mid ku xirnaan doonta xiriirka labada dowladood.

Qoraal lagu soo daabacay Twitter-ka Jeremy Hunt, ayaa waxaa lagu sheegay in Britain ay isha ku heyn doonto kiiska Weriyaha maqan, isla markaana ay kula xisaabtami doonto boqortooyada.

Jeremy Hunt, ayaa ugu baaqay boqortooyada sacuudiga in ay jawaab cad ka bixiso maqnaashaha weriye Jamal Khashoggi oo la rumeysan yahay in goor hore la dilay.

Haddalka Jeremy Hunt ayaa ahaa “Sacuudiga waa inay cadeysaa halka uu ku maqan yahay Jamal Khashoggi waa lagula xisaabtami doona go’aan mideysan ayaana laga qaadan doona arrinta dhacday”

Sawirro laga soo saaray kaamirada qarsoon ee ku dhagan afafka hore Qunsuliyada ayaa waxaa lagu arkay Jamal Khashoggi oo markii ugu danbeysay booqasho ku tagay Qunsuliyada sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul todobaadkii la soo dhaafay.

Dowlada sacuudiga oo qudheeda dareen qabta ayaa si adag u beenisay in wariyahan uu gacantooda ku jiro, waxa ayna baahisay in Jamal Khashoggi uu banaanka uga baxay Qunsuliyada.

Geesta kale, Dowladaha reer Galbeedka ayaa ka mideysan fal celinta maqnaanshaha Jamal Khashoggi oo lagu la’ yahay nolol iyo geeri.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com