“Saudi Arabia iyo Israel oo isla maleegay shirqool ka dhan ah dal ISLAAMI ah”

Tehran (Caasimada Online) – Abaanduulaha ciidamada mutadawiciinta Iran ee Basij, General Gholam –Hussein Gheib-Parvar waxa uu ka digay iskaashi ay Sacuudiga iyo Israel kala sameynayaan Mareykanka sidii Iran loogu qaadi lahaa dagaal dhaqaale.

“Maanta waxaan wajahaynaa dagaal buuxa oo dunida nooga imaanaya waxaana si cad u muujiyey xushmad daradda Madaxweynaha Mareykanka iyo cadaawadda uu u qabo Iran,” waxaa sidaas yiri General Gheib-Parvar, xilli uu la hadlayey dad isugu soo baxay Tehran Salaasaddii.

Waxa uu sheegay in Mareykanka uu taageero  uga helayo dagaalkan labaddiisa hub ee gobolka [Sacuudiga iyo Israel], sidoo kale waxa uu sheegay in Sacuudiga iyo Israel dowladahooda ay lacago badan ku bixiyaan sidii ay Washington ugu gudbin lahaayeen xogo sirdoon ah oo ka dhan ah dowladda kacaanka Islaamiga ah.

Mas’uuliyiinta Iran waxa ay dhawr oo hore uga digeen in CIA-da iyo Mossad oo garabsanaya dowlad gobolka ah ay dagaal saxaafadeed iyo mid Borobagaan ku bilaabeen Iran.

“Saxaafadda iyo ol’olaha Borobagaandada hore ayuu u socday, laakiin hadda ayuu xoogeystay. Sida xogta aan helay sheegeyso, wardoonka Mareykanka iyo dowladda Yuhuudda – iyo taageerada dhaqaale ee dowladdaha deriska nala ah – waxa ay dhiseen qalab warbaahineed oo dagaal waxa ayna si joogta ah ugu mashquulsan yihiin sidii ay hawada saxaafadda bulshadeena uga wasakheyn lahaayeen,” waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dowladda kacaanka Islaamiga ah  Ayatollah Sayyed Ali Khamenei bishii Sebteembar, waxa uu xilligaas Tehran kula hadlayey xubno ka mid ah golaha khubrada ee Iran.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com