AMISOM oo ‘qad-cagaaran’ ka sameysatay Xalane ilaa garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii lasoo dhaafay amar ka soo baxay Taliska ciidamada AMISOM ayaa lagu mamnuucay in wax hub ah lala galo xerada Xalane, halkaas oo inta badan ay masuuliyiinta qaar la geli jireen ilaaladooda.

Tallaabadaan ayaa ka dhigan in aagaas uu noqday ‘qad cagaaran’ taas oo muujineysa in diblomaasiyiinta ku sugan gudaha Xalane iyo Taliska AMISOM ay qatarta amni ee soo korortay ay isaga moosayaan qeybaha kale ee garoonka Aadan Cadde.

Taliyaasha ciidamada ayaa ka mid ah liiska masuuliyiinta dowladda ee laga mamnuucay in ilaaladooda hubeysan ay la galaan gudaha Xalane, waxaan sidoo kale la yareeyey ilaalada iyo gaadiidka ay xaruntaas la galaan wasiirrada qaar ee xukuumadda Soomaaliya.

Laga soo bilaabo albaabka laga soo galo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, Hotelka Decale iyo qeybaha kale ee howlaha muhiimka ah ay ka socdaan ayaa la sheegay inay suura-gal tahay in Al-Shabaab ay beegsadaan.

Diblomaasiyiinta iyo howlwadeenada kale ee degan xerada Xalane ayaa looga digay inay tagaan goobo ka baxsan xeyndaabka, maadaama ay soo kordheen qataraha muujinaya in la beegsa karo, isla markaana ay heleen digniino culus.

Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan oo la hadlay TV-ga Universal ayaa sheegay in tallaabadaas ay ka dhigan tahay inay dhamaatay kalsoonidii Taliska AMISOM ee dowladda federaalka iyo wada shaqeyntii ka dhaxeysa dowladda, gaar ahaan hey’adaha amniga iyo Taliska AMISOM.

“Hey’adda Sirdoonka Qaranka oo ay AMISOM is dhaafsa jireen xogaha dhanka ammaanka ah, maanta waxay mareen in xeyndaabkii Xalane ay AMISOM qad-cagaaran dhigto, taasi waxay ku tusinee baaxadda fashilka amni, 15-sano kadib markii ay AMISOM gudaha u soo gashay Soomaaliya,” ayuu yiri Taliye Ismaaciil Daahir.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xeradaas ay degan yihiin safiirada dalalka beesha caalamka oo aad u caawiya Soomaaliya, balse inay ‘qad-cagaaran’ xirtaan xilligaan ay daaha ka rogeyso kalsooni darro weyn oo soo wajahday, weliba xilli doorashooyin adag ay dalka ka socdaan oo aad loogu baahnaa taageeradooda dhan kastaba.

“Waxay aheyd in Ra’iisul wasaare Rooble uu la wareego ammaanka dalka oo gacan ku qabto, gacanta kalena uu doorashooyinka ku wado, laakiin sida muuqata Rooble arrinta amniga waa dayacay, waxuuna hadda amnigu u muuqdaa mid la siyaasadeeyey, waxaana sidey rabto u isticmaasha Villa Somalia,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Ismaaciil Daahir.

Talaadadii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarro abaabulan oo mar qura lagu qaaday ilaa 7 saldhig oo ciidamada booliska Soomaaliya ay ku leeyihiin degmooyin kala duwan oo ka tirsan caasimadda Muqdisho, waliba xilli duhur ah.

Weerarradaas oo loo adeegsaday banbaanooyinka gacanta laga tuuro, waxaa Muqdisho ugu dambeysay mudo dheer, waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaawacyo soo gaaray shacab iyo askar intaba.

Todobaad ka hor waxay Al-Shabaab xilli habeen ah weerarro kala duwan oo qaarkood loo adeegsaday qaraxyo is-miidaamin ah ka fuliyeen saldhigga booliska degmada Kaxda oo dhamaantiis la burburiyey iyo goobo kale oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Dhawaqa rasaasta iyo qaraxyada oo dad badan ka toosiyey hurdada, maadaama ay weerarradu dheceen saq-dhexe, waxay shacabka caasimadda soo xasuusiyeen dagaaladii 10 sano ka hor Muqdisho looga saaray kooxda Al-Shabaab.

Taliyaashii ciidamada ammaanka ayaa qaarkood siyaasadda ku biiray oo xildhibaano noqday, halka kuwo kalena ay ka shaqeynayaan wax u muuqda olole siyaasadeed oo doorashada la xariira, waxaana loo arkaa in arrimahaan ay Al-Shabaab fursad u siiyeen inay dib u soo weerarto caasimadda Muqdisho.