Amisom oo sheegtay tallaabo ay ka qaadeyso askartii dadka rayidka ku dilay Golweyn

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika AMISOM ayaa lagu sheegay in la maxkamadeynayo Ciidanka Uganda ee 7-da ruux ee rayidka ah ku dilay Deegaanka Golweyn Gobolka Shabeelaha Hoose 10-ka August 2021.

AMISOM ayaa xaqiijisay in Guddi ay u xilsaartay kiiskaan uu soo gunaanaday baaristooda oo ay ku ogaadeen in dilkaas ay ka dambeeyeen ciidamada Uganda, nasiib darro ayuu howlgalku ku tilmaamay in askartaan xiran dariiska Midowga Afrika dilaan Dad rayid ah.

“ Sidaas darteed AMISOM waxay qaadaneysaa mas’uuliyadda buuxda ee falkaan oo ay geysteen ciidamada AMISOM, waxayna la xisaabtami doontaa ciidankii falka geystay si loo xaqiijiyo in caddaaladda loo adeego” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo nbaxay AMISOM.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in Dowladda Uganda oo ay kasoo jeedaan ciidamada falka geystay ay leedahay maxkamad loogu talagalay in la saaro askarta dambiyada sameeya, waxayna ballan qaaday in askartaas lagu maxkamadeeyo gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, AMISOM ayaa ugu baaqday dowladda Uganda inay si deg deg ah xiriir ula sameyso qoysaska ay kasoo jeedaan dadkii la laayey si ay magdhow u siiso ulana qeybsato murugada ka dhalatay falkii ay geysteen ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM.

Go’aanka kasoo baxay AMISOM ayaa kusoo aadayo xilli ehelada dadkii la laayey ay dalbanayaan inay helaan caddaalad.

Haalkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay AMISOM