Muxuu Laftagareen ka yiri heshiiskii uu kala dhex dhigay Farmaajo iyo Rooble?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka hadlay heshiiskii ay gaareen madaxweynaha waqtiga ka dhacay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’sulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Lafta Gareen ayaa sheegay in si buuxda loo soo afjaray khilaafkii mudada ka dhaxeeyey madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha kaasoo ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Laftagareen oo garwadeen ka ahaa wada-hadallada labada mas’uul ayaa sheegay in si kalsooni leh oo wanaag ku jiro lagu dhameeyay khilaafka kadib dadaal dheer iyo iskudayo badan oo ay sameeyeen.

Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa u mahad celiyay Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Roole oo uu sheegay inay tasaasul muujiyeen, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay walwal ka qabeen khilaafka Madaxda.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dhamaan madaxda dalka ay wada Shaqeyn doonaan ayna meesha ka baxday kala aragti duwanaantii jirtay haatana la guda galayo howlaha doorashooyinka.

Hoos ka aqriso qodobada ay ku heshiiyeen Farmaajo iyo Rooble

1- Ayada oo la tixgilinayo dib udhaca kuyimid jadwalka doorashooyinka ayaa madaxda waxey isku raaceen in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka, waxeyna ugu baaqeen dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaliya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan kubilaabaan asbuucyada soo socda doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

2- In si dhaw ay u wada shaqeeyaan hay’adaha Amnigu iyaga oo xoogga saaraya adkaynta amniga iyo xasilloonida guud ee dalka xilligan xaasaasiga ah ee dalku ku jiro doorashooyinka, Lana xoojiyo ladaagalanka argagaaxisa ee Alshabaab.

3- In Wasiirka Aminiga Cabdullahi Maxamed Nuur uu sii wato shaqadiisa si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

4- In Jeneraal Bashiir Goobe, oo uu Rooble horey ugu magacabay taliyaha NISA, loo magacaabo wasiiru dowle.

5- Madaxda ayaa isku raacay In Yaasin Cabdulahi Maxamuud (Farey) uu ahaado kusimaha Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (HNSQ) inta Madaxweynahu uu soo marsiinayo Ra’iisul Wasaaraha Taliye iyo Taliye kuxigeen kadibna La soo marsiinayo Golaha Wasiirada, si madaxweynuhu ugu soo saaro digreeto.

6- Madaxda ayaa isku raacay in kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo daayo Hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaana la faray hay’adaha amnigu in ay gacan ku siiyaan.