Muqdisho: Ammaanka garoonka Adan Cadde oo laga shiray kadib markii…!

Muqdisho (Caasimada Online) Shir looga hadlaayo ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay Muqdisho.

Shirka ayaa la sheegay in ay ka soo qeyb galeen wasaaradda howlaha guud, hay’adaha ka shaqeeya garoonka diyaaradaha sida SKA, hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha, saraakiisha ciidanka AMISOM, shirkadaha diyaaradaha iyo saraakiisha ciidamada booliska iyo nabad sugida.

Ugu horreyn waxa ka hadlay kulanka wasiirka howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya Muxyadiin Maxamed Kaalmoy, oo sheegay in loo baahan yahay in la adkeeyo ammaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo in ay jirto wada shaqeyn dhex marta hay’adaha kala duwan ee garoonka diyaaradaha ku shaqada leh.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in loo baahan siddii loogu dayan la qaabka ay u shaqeeyaan garoomada caalamiga ah, isagoo xusay in garoonku uu yahay muraayadda laga arki karo horumarka waddanka.

Sidoo kale waxa kulanka ka hadlay maareeyaha guud ee hay’adda duulista iyo saadaasha hawada Eng. Cali Maxamuud Ibraahim (Cali Madoobe) oo sheegay in ujeeddada kulanka ay tahay sidii wax looga qaban lahaa nabadgelyada garoonka, loona horumarin lahaa adeegyada bulshada, maadama garoonka ay yimaadaan maalmahan dad aad u fara badan.

Saraakiisha ciidamada AMISOM qaybta garoonka ka shaqeysa iyo ciidamada bilayska hey’adda SKA ayaa iyana sheegay in ay ku dedaali doonaan siddii loo adkeen lahaa ammaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ugu dambeen waxa kulanka soo xiray taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Gen: Cabdulaahi Gaafoow Maxamuud oo isna sheegay in ammaanka garoonka uu sugan yahay, isagoo mas’uuliyiinta dowladda ku guubaabiyay in ay dhowraan nidaamka iyo baratakoolka garoonka.

Wuxuu sheegay in dad la socda madaxda dowladda ay ku ciyaarayaan nidaamka garoonka, oo aad arkeysid buu yiri masuul dowladda ay la socdaan illaa 100 qofm kuwaasoo garoonka buuxinaya.

Si kastaba, waa kulankii ugu horreyay ee dowladda hadda jirta la qaadatay hey’addaha ka shaqeeya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Garoonka ayaa hadda la sheegay in ay ka soo deggaan maalintii in ka badan 100 diyaarad oo wadda rakaab, kuwaas oo qaar kood ka yimaada Yurub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho