Aqalka Cad oo soo saaray WARBIXIN walaac leh oo ku saabsan Soomaaliya (Aqriso)

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda Soomaaliya oo laga cabsi qabo inay dhammaadka sanadkan ka dhacdo macluul.

Jake Sullivan, oo ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweyne Joe Biden, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay aad uga walaacsan tahay warbixinta guddiga dib u eegista macluusha QM oo saadaalisay in Soomaaliya ay macluul ka dhici karto inta u dhaxeysa October illaa December 2022.

“Maraykanku waxa uu aad uga walaacsan yahay saadaashan xun iyo baaxadda baahida weyn ee ka jirta Soomaaliya iyo gobolka oo dhan,” ayuu yiri Sullivan oo war-saxaafadeed soo saaray.

“Macaluushan laga yaabo inay dhacdo ayaa ka dhalatay arrimo isbiirsaday. Isbeddelka cimilada waxa uu sii wadaa inuu burburiyo gobolka, oo ay ku jirto abaartii ugu xumayd ee Geeska Afrika ka dhacda muddo 70 sano ah. Gobolku wali kama soo kaban saamaynta xun ee cudurka COVID-19. Waxaa intaas dheer, duulaanka buuxa ee Ruushka ku qaaday Ukraine wuxuu kordhiyey qiimaha cuntada, bacriminta, iyo shidaalka, taasi oo sii xumaynaysa baahida bani’aadaminimo, kana dhigay in gargaar la sameeyo mid qaali ah,” ayuu yiri Sullivan.

“Ku dhawaaqid macluul waa mid naadir ah, waxayna dhacdaa kaliya marka dadku ay la kulmaan nafaqo-darro aad u xooggan, gaajo iyo dhimasho.”

Sullivan waxa uu sheegay in Mareykanka uu si degdeg ah u xoojiyay dadaallada gargaarka si uu u bixiyo gargaar degdeg ah, oo ay ku jiraan cunto la siiyo in ka badan 3.5 milyan oo wajahaya nafaqo-darro, gaajo iyo cuduro dillaacay.

La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweyne Biden waxa uu sheegay in Mareykanka uu sanadkan bixiyey $706 milyan, taasi oo ah kala bar dhammaan deeqda ay caalamka oo idil ku bixiyeen gargaarka bani’aadaminimo ee Soomaaliya illaa hadda sanadkan 2022.

“Nasiib darrose, weli maynaan arag deeq-bixiyeyaal kale oo ku kordhiyey tabarucaad dheeri ah oo la taaban karo, gargaarkuna ma daboolin heerarka baahida sii kordheysa. Waxaa lama huraan ah in beesha caalamku ay si degdeg ah ugu dhaqaaqdo si loo badbaadiyo nolosha loogana hortago in saadaashaasi ay noqoto mid dhab ah,” ayuu yiri.