Xog: Madaxweyne XASAN SHEEKH oo u baxaya safar kale oo dibadeed + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa dhowaan ku wajahan waddanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa magaaladda Jeddah waxa ay uga qeyb galayaan shirka Golaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo ka dhacaya gudaha magaladaasi.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu khudbad muhiim ah ka jeediyo shirkan oo ay ka qayb-geli doonaan madax kala duwan oo ka socda dowladdo dhowr ah.

Golahaan ayaa waxaa la dhisay 2020-kii, iyada oo ay ku mideysan yihiin dalalka kulaala Badda Cas iyo Gacanka Cadan, sida Sacuudiga, Masar, Jordan, Eritrea, Yemen, Sudan, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulamo duceedyo la yeelan doonaan hoggaamiyeyaasha ka soo qayb-galayo shirka iyo madaxda dalka Sacuudiga, isaga oo kala hadli doono arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha ka jira dalkeenna.

Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow u taageero dowladda federaalka aha ee Soomaaliya, isaga oo dalka ka fuliyo mashaariicyo kala duwan oo hormarineed.

Safarkan ayaa noqonaya kii 9-aad ee uu Xasan Sheekh Maxamuud u baxayo, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May, iyadoo loo hadal hayo tirada safarada uu galay madaxweynuhu.