Maxay tahay farriinta culus ee dowladda ITOOBIYA usoo dirtay madaxweyne Xasan

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa farriin culus u dirtay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad xilka loo doortay, iyadoo la marsiiyey Telefishanka dowladda Itoobiya ee ETV.

Warbixin naadir ah oo looga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo hoggaanka cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu Telefishanka dowladda Itoobiya uga hadlay xaaladda Soomaaliya, waxaana warbixinta ka muuqatay dareenka ay Itoobiya ka qabto Xasan Sheekh iyo xiriirka uu hore ula lahaa Tigreega hadda dagaalka kula jira dowladda Itoobiya.

Warbixinta laga sii daayey Telefishinka dowladda Ethiopia ETV oo lagu diyaariyey luqada Ingiriiska ayaa diiradda lagu saaray Xaalaada Soomaaliya, waxaana cinwaan u ahaa “Soomaaliya waxay soo martay dagaalka sokeeye ee ugu weyn Afrika”.

Waxaa si gaara looga hadlay taariikhda Madaxweyne Xasan Sheekh, markii ilaa markii uu talada yimid sanadkii 2012 iyo llaa dib u doorashadiisii15 May 2022. Waxay warbixinta dib u gocatay xiririkii TPLF oo markaas ka talineysay Itoobiya iyo Xasan Sheekh.

Warbixinta waxay u muuqatay inay Xasan Sheekh u sheegeyso rabitaanka dowladda Abiy Ahmed ee ah inuu Itoobiya u muujiyo garab istaag si loo hagaajiyo xiirirka labada dal. Waxay sidoo kale ka warrantay in TPLF dooneyso inuu Xasan Sheekh qaado tallaabooyin lagu wiiqi karo Qaranimada Itoobiya.

Waxay bixisay digniin ah haddii Xasan Sheekh taageero TPLF inay ka dhalan karto argixixso ka halisbadan Al-Shabaab, Soomaaliyana ay ku weyn doonto Dal weyn oo xulufo la ahaa.

Arrintan ayaa loo arkaa caddeyn kale oo muujineysa in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu shaki weyn ka qabo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, isagoo aan ka jawaabin safar uu Madaxweynaha Soomaaliya doonayey inuu ku tago dalkaasi, markii xilka loo doortay.

Hoos ka daawo warbixintan

Xigasho: Goobjooge.net