Aqalka Sare oo meel mariyay magacaabis muran leh oo uu sameeyey Cabdi Xaashi

MUqdisho (Caasimada Online) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii 5-aad ee Kalfadhiga 1-aad  ee Golaha, iyaga oo maanka ka doodayay meel marinta hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare iyo ku xigeenkiisa.

Ugu horreyn kulanka waxaa daahfuray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdixaashi Cabdullaahi oo ay hareer fadhiyeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare Senator Cali Shacbaan Ibraahin iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha aqalka sare Senator Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde”.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sameeyey magacaabista hoos ku xusan.

1- Senator Samsam Ibraahim Cali Hab-dhowraha Aqalka Sare.
2- Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax (Karaama) Hab-dhowre ku xigeen.

Intaa ka dib Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday magacaabista guddoomiyaha taas oo dood badan dhalisay, iyaga oo ugu dambeen ansixiyay magacaabista uu Guddoomiyaha sameeyay.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay natiijada, isaga oo sheegay tirada mudanayaasha aqalka sare oo dhaneed 39 mudane ay meel mariyeen magacaabista, sidaasna ay ansax ku tahay.

Aqalka sare oo xilligii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ahaa mid hoos loo dhigay shaqadiisa ayaa afartaan sano ee u diyaar garoobaya sidii uu u qeyb qaadan lahaa horumarinta dalka.