Maxey tahay sababta Fahad iyo Yaasiin Fareey u bixiyeen wareysiyo deg deg ah?

Muqdisho ( Caasimada Online) – Labadii agaasime ee ugu dambeeyey hey’adda NISA ayaa bixiyey wareysiyo deg deg ah asbuuc gudahiis, waana maalmo kadib markii hey’adda loo magacaabay agaasime cusub.

Yaasiin Cabdullaahi Farey iyo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa abaaray saxaafadda iyagoo go’aansaday inay wareysiyo deg deg ah bixiyaan. Mudadii ay hey’adda joogeen waxay si weyn isaga riixeen inay ka jawaabaan tacayadii ka dhacay hey’adda.

Sida ay xogo kale sheegayaan, saraakiil kale oo hey’adaan hoggaankeeda ka tirsanaa ayaa iyagana la sheegayaa inay doonayaan inay hadlaan oo ay wareysiyo bixiyaan.

Dad badan ayaa is waydiinaya sababta ay madaxdii hore ee NISA ugu deg degeen dhanka saxaafadda kadib magacaabistii agaasimaha cusub ee NISA Mahad Maxamed Salaad.

Sheekadaan kuma falanqeyn doono wareysigii uu bixiyey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, dad badan ayaa naga soo dalbaday inaan fasiraad ku sameyno dhinacyada u gafidda siyaasiyiinta, halista amni iyo midda sharci ee ku jira inuu Fahad soo jeediyo inaysan ciidanka la shaqeyn hoggaanka cusub ee hey’adda, farqiga Fahadkii aamusnaa iyo hadda midka banaanka yimid iyo arrimo kale kuwaas oo aan taxanayaal ku faaqidi doono marka uu wareysiga wada baxo.

Balse warbixintaan waxaan Maanta kaga hadleynaa waxa Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fareey ku qasbay inay wareysiyo deg deg ah bixiyaan kadib magacaabistii Mahad Salaad.

Illo ka titsan NISA iyo waaxda garsoorka Soomaaliya waxay isku raacsan yihiin dhow arrimood oo sabab u ah wareysiyadii ay sida deg degta ah u bixiyeen hoggaankii hore ee NISA iyo kuwa laga yaabo inay hadda bixiyaan saraakiil cusub.

Mahad Salaad oo go’aansaday so bandhigid iyo sharci waafajin wixii hey’adda ka dhacay dhowrkii sano ee ugu dambeysay

Agaasimaha cusub ee hey’adda NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa lasoo wariyey inuu aqbalay inuu guddi baaro u saaro dhammaan wixii tacadi ahaa oo ay gudaha hey’adda ka geysteen xubnihii hore ee hey’adda, gaar ahaan shaqsiyadii ugu awoodda badnaa sida Fahad Yaasiin, Yaasiin Farey iyo Cabdullaahi Aadan Kulane.

Arrintaan oo haddii aan la siyaasadeynin ay muwaadiniin Soomaaliyeed caddaalad ku heli karaan waxaa ku jira sida la sheegay kiisas hey’addu fulisay ama ay fududeysay oo qaarkood mar hore loo tiiriyey dhanka Al-Shabaab.

Dadka aan la hadalnay waxay sheegayaan in go’aan lagu gaaray in bannaanka lasoo dhigo wixii gudaha hey’adda NISA ka dhacay shantii sano ee Farmaajo inay galaafan karto siyaasiyiin waaweyn oo muddo kadib ay suuragal tahay in maxkamadaha dalka lasoo istaajiyo dad xilal sare kasoo qabtay dowladda.

Qodobkaan waxaa loo arkaa midka ugu weyn ee soo kiciyey hoggaankii hore ee NISA, gaar ahaan Fahad iyo Yaasiin Fareey oo illaa iyo hadda wareysiyo bixiyey.

Labada kiis ee ugu horeyso sida ay wararka sheegayaan waa weerarkii NISA ku qaaday guriga siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd NISA.

Xogaha aan helnay waxay sheegayaan in durba shaqooyinkaas ay bilowdeen. www.oldhouseonline.com Xisbiga Wadajir ayaa koox gaar ah u saaray gudbinta dacwad iyadoo Fahad Yaasiin iyo Farmaajo ku jiraan shaqsiyaadka uu xisbigaasi ku eedeenayo qorsho la sheegay in la rabay in lagu khaarijiyo hoggaamiyaha xisbigaas Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Sidoo kale, ehelada 5 askari oo isla goobtaas lagu dilay ayaa iyaguna qoranaya dacwad gaar ah.

Waxaa kaloo socda abaabulka dib u furidda gal-dacwadeedka kiiska Ikraan Tahliil Faarax, laakiin saraakiil nabadsugid ah waxay noo xaqiijiyeen in kiisasku intaas ka badan yihiin oo ay macquul tahay in hey’adda ay kusoo laabtaan kiisas mar hore shacabku u qaateen inay Al-Shabaab fuliyeen.

Fahad iyo saaxiibadiis naxariis badan kama filayaan dhanka hoggaanka cusub ee hey’adda NISA, ujeedka wareysiyadooduna mar waa is bar yeelid marna waa inay muujiyaan inuu dagaal shaqsi ah ka dhaxeeyo Mahad Salaad iyo hoggaankii hore ee hey’adda si kooxdii talada laga wareegay ugu muujiso shacabka in eed walba oo loo jeediyo ay tahay mid shaqsiyadeysan oo aan sax aheyn.

Laakiin taas jawaab iyo qanaaco uguma filna dad badan oo ku maqan gacanta hey’adda NISA ayey leeyihiin dadka fahamsan ujeedka wareysiyada labada hoggaamiye ee ugu dambeysay hey’adda NISA.

Waxyaabaha ay rabaan inay banaanka keenaan hoggaanka cusub ee hey’adda NISA oo xataa Farmaajo ayaa soo geli kara waxaana ka dhallan kara fadeexooyin waaweyn ayuu yiri sarkaal sare oo hey’adda ka tirsanaa sideedii sano ee lasoo dhaafay.

Agaasimaha cusub ee hey’adda NISA Mahad Maxamed Salaad lama yaqaano qiimaha ay ugu kici karto tallaabadaan uu go’aansaday inuu banaanka kusoo dhigo kiisaska huursan ee ka dhacay gudaha hey’adda NISA.

Sidoo kale, waxaan lasii akhrin karin sida ay wareesiyadani difaac sharci ah ugu noqon karaan Fahad Yaasiin iyo saaxiibadiis haddii banaanka lasoo dhigo caddeymo la xiriira gabood-faladii ka dhacay hey’adda NISA.