Aqri: Guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubbaland oo lagu xiray garoonka Xamar

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xoghayaha Rugta ganacsiga Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Warshadaha Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin, ayaa mar kale lagu xayiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Shaafi Raabi Kaahin, ayaa la sheegayaa inuu ka yimid dalka Turkiga, islamarkaana markii uu soo dagay, laga qaaday baasaboorkii uu watay, kadibna la fariisiyay meel ka mid ah Garoonka.

Illaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee loo xayiray Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Jubbaland oo markii labaad lagu xanibaayo Garoonka Aadan Cadde.

“Meel ayaa la i fariisiyay, waxaana la iga qaaday sharcigii, ma ogi sababta waxaas loo sameeyay iyo danta la iga leeyahay.” Ayuu yiri Gudoomiye Shaafi oo khadka taleefanka kula hadlay qaar ka mid ah Suxufiyiinta.

Masuuliyiinta Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, wali kama aysan hadlin xanibaadaan la saaray masuulkaan iyo sababta ka dambeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com