Sarkaal Somali ah oo watay HUB iyo RASAAS oo lagu qabtay Kenya + Magaciisa

Nairobi (Caasimada Online) – Booliska Kenya ayaa gacanta ku dhigay Sarkaal Somali-Kenyan la sheegay inuu ka tirsan yahay Xafiiska Sirdoonka Kenya ee Wajeer (NSIS).

Sarkaalkan ayaa waxaa lala qabtay laba kale oo si gaara loogu qabtay Xaafad Islii (Section 3) ee magaalada Nairobi, sida lagu daabacay Wargeyska the-star.co.ke.

Afhayeen u hadlay Booliska Kenya ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan haddii ninka la qabtay uu ka tirsan yahay Sirdoonka Kenya, iyadoo xiriir lala sameeyay Saraakiisha Sirdoonka ee magaalada Wajeer.

Ninka la qabtay oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Caliyow ayaa lagu qabtay howlgal qorsheysnaa oo ay fuliyeen Booliska.

Gaariga uu watay Sarkaalka iyo labada ruux ee la soctay ayaa waxaa laga helay 2 Bastoolad, 7 xabo oo rasaas ah, 2 Baasaboor oo Soomaali ah, 2  waraaqaha aqoonsiga Kenya, 6 bac oo ay ku jiraan daroogada nooca loo yaqaan heroin iyo 40g oo xashiish ah.

Sidoo kale, Sarkaalka iyo labada qof ee la soctay ayaa la sheegay in lagu xiray Saldhiga Booliska Shaurimoyo ee magaalada Nairobi.

Dhinaca kale, ragaasi la qabtay ayaa la sheegay inay wateen Gaari taarikhadiisu tahay KCM 680P.

ISHA. The-star.co.ke