War xasaasi ah oo ka soo kordhay kiiska Khashoggi

Istanbul (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa diyaarinaya warbixin ay ku qiran doonaan in suxufi Jamal Khashoggi uu ku dhex dhintay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul kadib su’aallo weydiin aan u dhicin sidii loogu talo-galay.

Sacuudiga waxa ay sidoo kale qiran doonaan in qorshaha uu ahaa in Jamal Khashoggi, lasoo afduubto oo laga soo saaro dalka Turkiga, sida uu weriyey taleefishinka CNN.

Warbixintan oo taleefishinka CNN uu weriyey waxyar ka hor ayaa ilo-wareedyo kasoo xigatay in dowladda Sacuudiga ay ku sheegi doonto in arrintan ay ku dhacday ayada oo boqortooyada sare aan fasax looga haysan.

Sacuudiga ayaa sidoo kale la filayaa, sida warbixinta ay sheegtay, inay sheegaan in dhacdadan kula xisaabtami doonaan dadkii mas’uulka ka ahaa.

Suxufi Jamal Khashoggi ayaa la waayey labadii bishii October kadib markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, halkaasi oo aanu dib uga soo bixin.

Dhinaca kale taleefishinka Al-Jazeera ayaa gordhow kasoo xigtay dacwad oogaha dalka Turkiga inay haleen caddeymo muujinaya in la dilay Jamal Khashoggi kadib markii baarayaasha Turkiga ay maanta galeen qunsuliyadda.

Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in gudaha qunsuliyadda ay ka dhex heleen caddeymo muujinaya in Sacuudiga ay isku dayeen inay qariyaan caddeymo muujinayey in Jamal Khashaggi la dilay.

Saraakiisha Turkiga ee helay macluumaadka dilka isla markaana ku sugan Qunsuliyada ayaa sheegay in dowlada Turkiga aysan mas’uul ka aheyn dilka Saxafiga Jamaal maadaama uu ka dhacay xarunta Qunsuliyadooda.

Labadan warbixin ayaa ah kuwa goor dhow un soo baxay, waxaana la filayaa inay faahfaahinno dheeri ah ay kasoo baxaan saacada soo socda.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com