SACUUDIGA oo laga cabsi qabo inuu dilay muwaadin u dhashay Qatar iyo 3 kale

Riyadh (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa laga dalbaday in xabsiyada dalkaasi ay kasii deyso muwaadin u dhashay dalka Qatar oo la waayay bishii May ee sanadkii la soo dhaafay.

Sacuudiga ayaa shaqsigaasi la sheegay inay ku riday xabsi dhulka hoostii oo ilaa iyo hadda lagu la’ yahay nolol iyo geeri.

Hay’adda The Doha-based National Human Rights Committee ayaa sheegtay in Sacuudiga ay muwaadinkaasi u geysteen dhibaatooyin ka muuqda jirkiisa, hase yeeshee laga doonayo inay sii deyso.

Hay’addu waxa ay intaa raacisay in Sacuudiga ay dusha saaran doonto maqnaashaha Seddex ruux kale oo isla dalkaasi u dhashay.

Ali bin Samikh al-Marri, oo ah Gudoomiyaha hey’adan oo warqad uu u diray waaxda QM u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqay in baaritaan lagu sameeyo arintaan.

Ali bin Samikh al-Marri, waxa uu suuragal ku sheegay in muwaadinka Qadriyanka ah iyo Seddexda kale mr hore la dilay, waaba haddii ay dhacdo in wali ay kusii jiraan xabsiga hoose.

Dhinaca kale, Mr. Ali bin Samikh al-Marri ayaa ku celcelshay in si dhaba loo baaro suuragalnimada inay noolyihiin afarta Muwaadin oo aan dib loo arag.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com