Aqri: Jadwalka doorashada HirShabelle oo lasoo saaray

Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga farsamada soo xulista baarlamanka labaad ee Maamulka HirShabelle ayaa ku dhawaaqay jadwalka lagu soo xulayo baarlamaanka labaad ee maamulkaas.

Guddigaan oo kulan isugu yimid ayaa soo saaray jadwal qeexaya wadada loo marayo soo xulista Baarlamaanka labaad ee HirShabelle.

Baarlamaanka koowaad ee Dowlad Goboleedka HirShabelle wuxuu muddo xileedkiisa ku eg yahay 9-ka bishan, balse guddiga waxey howshooda billaabayaan maalin ka hore, 8-da October ilaa 15-ka October ayey ku mashquulsanaan doonaan soo dhaweynta duubabka, hubinta iyo dhameystirka odayaasha dhaqanka.

Jadwalka ay soo saareen wuxuu ka kooban yahay dhawr qodob, howshana waxey socon doontaa ilaa horaanta bisha November.