Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Trump oo qaaday laba tallaabo oo halis ah

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xalay laga saaray isbitaalka Walter Reed, wuxuuna ku laabtay Aqalka Cad, kadib saddex maalmood oo halkaas looga daweynayey cudurka Coronavirus.

Hase yeeshee Trump ayaa markii uu ku laabtay Aqalka Cad, wuxuu qaaday tallaabo lagu tilmaamay mid halis gelin karta shaqaalaha Aqalka, farriin qaldanna u diri karta shacabka, kadib markii uu iska furay maaskaro u xirneyd oo uu kala yimid isbitaalka.

Kaamirooyinka ayaa qabtay Trump oo taagan meel sare oo Aqalka Cad ka mid ah, iskana furaya maaskaraha, xilli sawirro laga qaadayey.

Arirnta kale ee taas ka halista badan ayaa ah inuu ka hor inta aanu isbitaalka ka bixin soo dhigay twitter-ka qoraal lagu macneeyey mid halis gelin kara nolosha dad badan.

“Waxaan ka tegi doonaa Walter Reed waxaana ku laaban doonaa Aqalka Cad 6:30 PM. Waxaan dareemayaa inaan aad u wanaagsanahay. Ha ka cabsanina COVID-19. Ha u ogolaan inuu noloshiina maamulo. Waxaan horumarinay dawooyin wanaagsan. Waxaan dareemayaa inaan ka wanaagsanahay sida aan ahaa 20 sano ka hor,” ayuu yiri Trump.

Sida ay sheegtay Jaamacadda Johns Hopkins, in ka badan 210,000 oo qof oo Mareykanka ah ayaa ku dhintay cudurka, wuxuuna saameeyey dad gaaraya 7.4 milyan oo qof.

Farriinta Trump ee ah inaan laga cabsan cudurka ayaa lagu macneeyey mid horseedi karta in dad badan oo isaga dhageysta aysan qaadin tallaabooyinka lagu xakameeyo faafinta cudurka, taasi oo kordhin karta faafitaan cudurka.

Twitter-ka ayaa waxaa qabsaday qoraallo aad loogu cambaareeyey ficillada mas’uuliyad darrada ah ee Trump, waxaana dad badan ay u direen jawaabo ay ka mid ahaayeen “dad badan sidaada uma nasiib badan, mana haystaan dawada iyo daryeelka aad heli karto.”