Aqri: Maareeye oo qaaday tallaabo yaab leh markuu ogaaday in la beddelay.!!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo aan weli xilka wareejin ayaa qaaday tallaabo yaab leh markii uu ogaaday inuu wasaaradda ka tagayo.

Maareeyee ayaa waxaa uu dib shaqada ugu soo celiyay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, kaasi oo shaqo joojin uu ku sameeyay.

Wareegto ka soo baxay Xafiiska Wasiir Maareeye oo ku taariikheysneed 30-ka Bishii April, balse xog ana helnay ay sheegeyso in shalay la qoray, ayaa waxaa dib loogu howlgeliyay Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga,isla markaana shaqada laga joojiyay 10-kii Bishii February ee 2019, kadib markii loo jeediyay eedemo kala duwan.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay inay arrintaasi ka dambeysay markii uu talo soojeedin ka timid madaxweyne Farmaajo iyo go’aan ay isla qaateen Ra’iisal wasaare Kheyre.

Wasiir Maareeye ayaa 10-kii Bishii Feberaayo Sanadkii 2018 shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii Wasaaradaas Cabdullaahi Xayir Ducaale, isagoo ku eedeeyay musuq, balse sanad kadib wuxuu wasaaradda uga tegay sidii uu ugu yimid.

Sidoo kale Wareegtada ayaa Cabdikariim Maxamuud Axmed waxaa loogu magacaabay in uu noqdon  Agaasimaha Waaxda Liisamada iyo Diwaangelinta Shirkadaha, halka sidoo kalena Axmed Cali Xasan loo wareejiyay Agaasimaha Waaxda Warshadaha.

Dad xog-ogaal ah ayaa Caasimadda Online u sheegay inuu Wasiirka Tallaabadaan qaaday markii xilka laga qaaday kadib sidaasna qaab farsameysan looga dhigay inay waraaqdaan soo baxday 30 April oo ah maalin ka hor markii xilka laga qaaday.

Cabdi Xayir Maareeye oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka ayaa shalay xilkii laga qaaday,waxaana loo magacaabay Wasiirka Warfafinta Xukuumadda,kadib markii uu is Casilay Daahir Maxamuud Geelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com