Golaha Wasiirada DF oo maanta ansixiyay sharciga doorashooyinka iyo axsaabta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo ka socda xarunta Madaxtooyada ayaa lagu ansixiyey Sharciga Doorashooyinka iyo Sharciga Axsaabta Siyaasadda oo Dib-u-eegis lagu sameeyay.

Golaha Wasiirada ayaa la hor keenay sharcigan oo kulan degdeg ahaa dib loogu dhigay la-tashiyo u socday madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, waxaana maanta ansixiyey Golaha Wasiirada, iyadoo loo gudbin doono Baarlamaanka Soomaaliya si uu u ansixiyo.

Ujeedooyinka sharciga doorashooyinka qaranka ayaa ah in lagu maamul doorashooyinka golayaasha sharci dejinta iyo madaxwaynaha jamhuuriyadda, laguna hir gelinayo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka maran cabsi gelin iyo ceeb oo dhan, loona maamulay si madax bannaan, dhex-dhexaad ah, sugan, hufan oo isla xisaabgan leh kuna salaynsan hab-raac sharci oo dhaqan gal ah, in uu cadeeyo awoodda iyo waajibaadka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo in lagu qeexo laguna tilmaamo nidaamka doorashooyinka dalka.

Hindise Sharciyeedka ay maanta xukuumaddu meel marisay ayaa loo gudbinayaa golaha sharci dejinta dalka si ay u ansixyaan.

Shirka golaha wasiirrada oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale lagu meel mariyay sharciga xisbiyada siyaasadda dalka oo dib-u-eegis lagu sameeyay.

Ansixinta Hindise Sharciyeedka doorashooyinka qaranka iyo sharciga xisbiyada siyaasadda dalka ee dib-u-eegista lagu sameeyay ayaa qeyb ka ah halbeegyada Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ee lagu guuleystay.

Ansixinta Sharcigan ayaa lagu tilmaamay mid looga hordhacayo shirka wadatashiga ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku leeyihiin magaalada Garowe maalinta sabtida ee socoto, iyadoo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay la tagayaan sharcigaas oo la soo meel mariyay.

Illaa iyo hadda lama oga nooca doorasho ee dalka ka dhacaya sanadka 2020/2021, balse waxaa jiray aragtiyo kala duwan oo ku saabsan nooca doorasho ee Madaxda dowladda doonayaan inay dalka ka dhacdo, inkastoo aanay suura geli karin doorasho hal qof iyo hal cod.

Sharcigan Xisbiyada ayaa oo hore loogu badhigay xisbiyada, laakiin sharciga Doorashooyinka ayaa dhalin doona muranka ugu weyn, iyadoo aan laga talogelin Maamul Goboleedyada iyo dhinacyada siyaasadda, waxaana lagu wadaa in looga doodo shirka Magaalada Garowe la filayo inuu ku dhex maro Maamul Goboleedyada iyo madaxda dowladda Federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com