Wararkii ugu dambeeyay dib u dhac ku yimid shirkii madaxda DF iyo maamulada

Garowe (Caasimada Online) – Wafdi hordhac ah oo ka socda dowladda Soomaaliya aya gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaasi oo dhawan uu ka furmo doono shir u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya inuu maanta dib u dhac uu ku yimid shir la filayay inuu ka furmo magaaladaasi, kaasi oo u dhaxeeyay madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in shirkaasi uu furmi doono maalinta Sabtida ah, sida xogaha aan heleyno, iyadoo wafdiga dowladda ee gaaray Garowe ay kulamo hordhac ah la qaateen madaxda Puntland.

Shalay Magalada Garoowe waxaa tegay wufuud horudhac ah oo ka kala socda Xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha, waxaana sidoo kale socda wadatashiyo ay sameynayaan Madaxda dalka oo ku aadan qorshaha ay shirkaasi la tegayaan.

Madaxda maamul goboleedyada ayaanan dhankooda tagin magaalada Garowe, waxaana la filayaa inay qaarkood tagaan maalinta beri ah, sida wararka aan heleyno ay sheegayaan.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku saareysa Madaxda ugu sareysa dalka inay shirkaasi ka qeyb galaan, xilli ay jirtay in dhowr mar Madaxweyne Farmaajo shir wadatashi ah uu ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ka baaqsadeen.

Shirkaasi ayaa qorshaha waxa uu yahay in lagu xaliyo tabashada ay qabaan madaxda dowlad goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com