Kulan aan horey loo ogeyn oo Farmaajo la yeeshay siyaasi reer Somaliland ah oo soo shaac baxay

Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa shaaca ka qaaday kulan aan horey loo shaacin oo uu dalka Qatar kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Buubaa oo isagoo Hargeysa jooga waraysi siiyay Telefishanka Universal, wuxuu isagoo kulankaas ka hadlaya uu yidhi “ Waa ay ii qorshaysnayd inaan tago Turkiga iyo Qatar  laakiin waxa isku soo hagaagay markaan Qatar joogay iyo booqasho kadis ah oo uu ku yimi madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo wayna jirtay mar haddii uu meesha joogo inaan arimaha wada eegno, gaar ahaan arimaha aan anigu dhankayga u baaciyay waxay ahayd maanta Somaliland dal iyo dawlad ahaanba halkay joogto degenaashaha ka taagan”

Buubaa ayaa sheegay inuu Farmaajo u sheegay inaysan jirin Soomaaliweyn, wuxuuna yiri “Waxaan u sheegay waxii Jamhuuriyadii Soomaaliyeed laysku odhan jiray in aanay jirin ee laba wadan oo Somaliland iyo Somaliya ah oo lixdankii isku yimi inay midiba gooni u taagan tahay in si wanaagsan loo kulmo oo loo wada hadlo oo arimaha murugsana muruga laga saaro.”

Buubaa ayaa dhinaca kale uu ka Jawaabay su’aal laga waydiiyay inaanu awood u haysan uu kula kulmo Madaxda dawladda Soomaaliya.

“Arintu maaha dawlad la hadal waa qof shaqsi ah oo Maxamed Farmaajo la yidhaahdo oo imika madaxweyne ah oo ay noqotay inaan iska hor nimi oo aanu wada hadalnay kala waji dadbi mayno, waan is waraysanaynaa waxbaanu is waydiinaynaa dadkuna inuu nuglaado oo had iyo gooraale marka laysku yimaado uu u arko in adiga lagaa gacan sareeyo, adiga lagu isticmaalayo, adigu aad tahay qofka aan cid wax gaadhsiin karin, adiga uun wax lagugu shubanaayo anigu waxaan u arkaa diciifnimo siyaasadeed.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com