Axmed Cali Daahir wuxuu u awood sheegtay oo uu ku xadgudbay muwaadin

“Xeer ilaaliyaha qaranka, waa nin aad u damaqasho iyo arxan badan” ayaa dhihi lahaa sida dadka qaar, haddaan ahay qof dareenka uu hago oo daqiiqadda markaas uu joogo sida dareenkiisa yahay u hadla, balse ma ahi.

Waxaan ka hadlayaa sheeko ku saabsan video lasoo dhigay baraha bulshada oo uu muujinaya xeer-ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir, oo meel waddo ah inta u istaagay ku canaananaya una hanjabaya muwaadin Soomaaliyeed oo ku shaqeysta gaari dameer.

Sida muuqaalka ka muuqata, Axmed Cali Dameer ayaa muwaadinka ku amraya inuu rarka ka yareeyo gaari dameerka, islamarkaana qaar ka mid ah loorarka uu inta meesha uga tago dib uga soo laabto.

Mar walba waa wax wanaagsan in loo damqado xayawaanka, hase yeeshee damaqashada iyo sharciga waa kala laba. Axmed Cali Daahir waa sharci ilaaliyaha dalka ugu sarreeya, haddii isaga uusan sharciga ku dhaqminna ma jirto cid ku dhaqmayesa.

Haddaba maxaa ka qaldanaa falkii Axmed Cali Daahir.

1 – Soomaaliya ma ka jiraa sharci dowladda ay dejisay oo dhigaya culeeska rar ee ugu badan ee la ogol yahay in xayawaanka ama si gaar ah dameeraha lagu raro? Jawaabta waa maya. Haddii muwaadinka lagu xadgudbay uu oran lahaa kama dejinayo rarka dameerka, Muxuu Axmed Cali Daahir sameyn lahaa? Axmed Cali Daahir ma awooday inuu ku yiraahdo muwaadinka, “haddii aadan ka dejin rarka dameerka, waxaa ku qabanaya sharciga noocaas ah, qodobka lambarkiisu yahay sidaas?

Ogow, dunida wax kasta waa sharci. Maxaa u diidaya qof inuu inta qof kale dilo uu xorriyad isaga noolaado? Waa sharciga, waayo waxaa jira sharci dhigaya inana qof la dili karin. Sidaas darteed, wax kasta oo dunida aan laga ogoleyn waxay sidaas u yihiin waa inuu jiro sharci qoran oo diidaya. Wax walba oo dunida laga ogol yahayna, waxaa sidaas yeelaya waa inuusan jirin sharci diidaya.

Tusaale, maxaa cabista qamriga xaaraan ka dhigay dalalka Islaamka oo kuwa reer galbeedka looga ogol yahay, waa kala duwanaanshaha labada sharci.

Sidaas darteed, Axmed Cali Daahir wax sharciyad uma haysan xad gudubkii uu ku sameeyey muwaadinka.

2 – Axmed Cali Daahir wuxuu si aan asluubeysneyn oo awood sheegasho iyo hanjabaad isugu jirta u handaday muwaadin Soomaaliyeed isaga oo isu muujinaya inuu u damqaday dameer. Wuxuu muwaadinka Soomaaliyeed ku qasbay inuu sameeyo wax aan suurta-gal ahayn oo ah inuu ka tago qeyb ka mid ah rarkiisa oo uu dib ugu soo noqdo. Yaa damaanad qaaday in rarkii laga tagay halkooda loogu imanayo, oo aan la xadeyn? Ma ka fakaray Axmed Cali Daahir in Muqdisho iska daa badeeco aysan xitaa naftii aadanaha ku bad-baadeyn.

Waxaa sidoo kale yaab lahaa, in Axmed Cali Daahir uu marka uu muwaadinka ka dejinayo dameerka rarka ay isaga iyo ciidankiisaba daawanayaan oo aysan xitaa caawineyn.

Axmed Cali Daahir waxaa ka muuqata inuu si ku talo-gal ah u sameeyey ficilka, isaga oo ka raadinaya fursad uu isugu muujiyo nin damqasho leh, oo igu sawir ah. Wuxuu xitaa u diyaarsada kaamiro video looga duubo falkiisa. Haddii Axmed Cali Daahir ay daacad ka ahaan lahayd inuu xaywaanka u damqanayo, muxuusan kadib falkaas u qaban shir jaraa’id ama ugu dhaqaaqin sidii uu uga shaqeyn lahaa in lasoo saaro sharci xadidada culeeska rar ee la saaro xayawaanka. Xaqiiqda ah inaysan taas jirin, ayaa muujineysa in falkiisu ahaa ha lagaa sheego.

Maxaa haboonaa?

Markii Axmed Cali Daahir uu arkay culeeska rar ee saaran dameerka, waxay ahayd inuu muwaadinka istaajiyo, kadibna si dabacsan oo naseexo leh ula hadlo una sheego in wuxu xayawaan yahay, oo ay mudan tahay inuu u damqado, isaga oo aan u hanjabin ama aan amar siin. Waxay ahayd inuu u sheego in waqtigaas la joogay aysan macquul ahayn inuu rarkiisa ka kala tago, balse wixii markaas ka dambeeya uusan sidaas sameyn.

Intaas kadib waxay ahayd in uu ka shaqeeyo in sharci laga soo sarao arrintan, kadibna ciddii ku xadgudubtaa lagu ciqaabo sharcigaas.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid