Ciidamo gadoodsan oo la wareegay gacan ku heynta Bangiga Dhexe ee Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Boosaas ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan ay la waregeen xarun Bank oo ku taala magaalada Boosaaso.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa la wareegay xarunta Bangiga dhexe ee magaalada Boosaaso, waxaana xiisad laga dareemaya magaalada, maadaama ciidamada la sheegay inay careysan yihiin.

Ciidamada maamulka Puntland ee maanta la wareegay xarunta Bangiga dhexe ayaa ka carooday mushaar la’aan heysatay ciidamada maalmihii ugu dambeeyay, waxaana ka hor inta aysan la wareegin bangiga ay rasaas ku fureen xarunta iyo agagaarkeeda.

Intaasi kadib saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa tegay Xarunta Bangiga oo ay la wareegeen Ciidamada Gadooday, isaga oo ku qanciyey inay dib ugu laabtaan halkee ay ka yimaadeen,isla markaana mushaarkooda ay heli doonaan,sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha Ciidamada.

Wararkii ugu dambeyey ee haatan laga helayo Magalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana ay dib u bilaawdeen howlihii Shaqo ee Bangiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso.

Waa markii labaad oo ay gadoodaan Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,waxaana horay u gadooday Ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Galgala ee Gobolka Bari.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com