Sarkaal ciidamada Somalia ka tirsanaa oo Mareykanka dacwad looga soo oogay

Alexandria (Caasimada Online) – Maxkamadda Rafcaanka Heerka 4-aad ee Gobalka Virginia ee dalkaasi waxaa la filayaa inay bishan May 13-da ka bilaabanto dhegeysiga Dacwad loo haysto Taliyihii Qeybta 5-aad ee Ciiddankii Milliteriga ee xilligii Dowladda Kacaanka ee saldhigooda ahaa Gobalka W/Galbeed ee dalkeenna.

Taliyahaasi oo lagu magacaabo Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Kolonel Tuke”, ayaa waxaa soo eedeeyey Faarax Warfaa, kaasi oo haatan ku sugan magaalladda Hargeysa, balse la filayo in inuu Fiiso Khaas ah ku tago dalka Maraykanka.

Dhibanaha oo haatan 48 jir ah ayaa sheegay inuu Taliyahaasi jir-dil iyo toogasho u geystay bishii December ee sannadkii 1989-kii, isagoo xilligaas 17-jir ahaa.

Waxa uu intaasi ku daray in isaga markii la toogtay in looga tegay sidii qof geeriyooday oo kale, waa sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlayey sababaha loo xiray, loona toogtay waxa uu tilmaamay in isaga iyo dhallinyaro kale lagu soo oogay inay xadeen Booyad nooca ay Ciiddanka ku kaydsadaan Biyaha, oo ay Dagaalamayaashii Jabhaddii SNM-ta la tageen.

Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Kolonel Tuke” oo isaga sannadkii 1990-kii Tababar Milliteri loogu qaaday Maraykanka, ayaa u sii gudbay dalka Kanada oo uu ka helay Magangelyo Qaxootinimo.

Balse, Dowladda Kanada waxay Taliyahaasi hore dib ugu celiyeen Maraykanka sannadkii 1992-kii, kadib, markii ay qaar ka mid ah Warbaahinta Kanada baahiyeen inuu Kolonel Yuusuf Tuke horey Tacadiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha ka soo geystay Somalia.

Hay’ad fadhigeedu yahay Maraykanka oo lagu magacaabo Xarunta Caddaaladda iyo Isla-xisaabtanka (Center for Justice and Accountability),waxay Bilowgii sannadihii 2000-aadka waxay dabagal iyo baaris kula dhaqaaqeen Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Kolonel Tuke” oo lagu eedeynayey inuu galay Gaboodfalka Dembiy-dagaal, waxayna Xarunta soo ogaatay inuu Kornel Tuke yahay qof haysta Kaarka Cagaaran ee Maraykanka (US green card holder), iyo inuu ku nool yahay magaalladda Aleskandariya ee Gobalka Virginia iyo inuu Ilaaliye dhanka Ammaanka ku shaqeysto, oo inta badan ilaaliye ka ahaa Garoonka Diyaaradaha Washington ee Dulles International Airport.

Si kastaba ha ahaatee, Dhibanaha iyo Eedeysanaha ayaa la filayaa inay weji-ka-weji uga soo hor muuqan doonaan bishan 13-da Maxkamadda Rafcaanka ee Heerka 4-aad ee Gobalka Virginia ee dalka Maraykanka.