Somaliland oo war cusub ka soo saartay 2-dii sarkaal ee lagu dilay gobolka Sanaag

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa markii u horeysay ka hadlay dilkii loo geystay labo sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Somaliland.

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sheegay in Xukuumadu ay ka qaadeyso talaabo adag Dableydii dhowaan dishay Taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Taliye ku-xigeenkii Booliiska Degmadaasi.

Wasiirka oo hadal ka jeedinayey deegaankii lagu aasayey labada Sarkaal ee la dilay ayaa waxa uu ka sheegay inay Odayaasha ay isku deegaanka yihiin raggii dilka geystay inay waajib ku tahay inay gacan ka geystaan soo qabashadooda, haddii ay ku gacan-saydhaana bedelkooda iyaga loo xiri doono.

“Odayaasha Beeshan (Gar-adag) waa waajib saaran inay hawshan dhinacooda ka qabtaan, Gacan ku dhiiglaha kii naga qariya ayuun baanu ku xidhaynaa” ayuu yiri Wasiirku.

Wuxuuna intaas kusii daray Wasiir Kaahin “Tuugu ehel malaha, Gacan ku-dhiigluhuna ehel malaha. Xukuumadda ayay waajibkeeda tahay inay arrinkaa si adag uga qabato, mana suurto-galayso inaanu si sahlan idiin nidhaahno waxbaanu qabanaynaa oo aanu qaban wayno. Dilka loo geystay Saraakiisha wuxuu dhaawac ku yahay Qarankeena”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com