Farmaajo oo mar kale qaadi rabo tallaabo lagu yaqaanay Siyaad Barre

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa weli ku dhex jiro shirarka ku aadan magacaabista golaha wasiirada oo sii socoto waqti aan laga fileyn, waxaana dhawaan la filayaa in si rasmi ah loo magacaabo wasiirada.

Haddaba Maxamed Cabdulaahi Faraajo ayaa mar kale sameyn rabo tallaabo horey looga bartay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u naxariiste Maxamed Siyaad Barre.

Siyaad Barre ayaa looga bartay inuu wadanka ka dhoofo marka ay dowladiisa ama isaga uu magacaabo xil muhiim, waxayna siyaasiyiintii hore kuu sheegayaan inay Siyaad wadanka isaga dhoofi jiray isla markaasna uu ka maqnaan jiray ilaa 3 maalin oo ay socoto xasarada ku aadan waxa la magacaabay.

Sidaas camal waxaa sameeyey markii koowaad Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuuna wadanka ka dhoofay subixii uu magacaabay Ra’isulwasaare Kheyre oo ahaa lama filaan wuxuuna wadanka ka maqnaa 3 Maalin.

Haddaba waxaa la filayaa inuu mar kale Farmaajo sameeyo tallaabo midaas la mid ah, waxaana lasoo sheegayaa in wasiirada la magacaabi doono 21 bishaan oo uu madaxweynaha ka safri doono Muqdisho isagoo ka qeybgeli doono shirka Nairobi uga furmayo dowladaha IGAD.

Xogta laga helayo Xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegaya in magacaabidda Golaha cusub ee wasiirada ay dhici doonto 21-ka bishan Maarso iyo wixii ka dambeeya, xilligaas oo madaxweyne Farmaajo uu isu diyaarinayo safarra dibadda ah oo uu ku tegi doono dalka Kenya, halkaasoo uu ka dhacay shirk madaxeed dalalka IGAD ka leeyihiin arrimaha Qaxootiga Soomaaliya.

Haddii ay midaan dhacdo waxay noqoneysaa markii labaad oo uu Farmaajo Siyaad Barre ka barbareeyo tallaabooyinka lagu yaqiinay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com