Ceeb iyo fadeexad ka dhacday soo dhaweyntii Muqdisho ee wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya booqasho aan la fileyn ku imaaday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska Boris Johnson .

Haddaba warar hadda soo gaarayo Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inay halkaas ka dhacday fadeexad iyo ceeb ku aadan soo dhaweynta xoghayaha arrimaha Dibadda ee dowladda Ingiriiska.

Wararka ayaa sheegayo inay noqotay isku dhex yaac iyo nidaam darro soo dhaweyntii soo sameeyey xoghayaha oo ka socdo dowlad awood ku leh Soomaaliya, kadib markii aysan dowladda ku wargelin wasaaradda Arrimaha dibadda.

Sida uu sharciga iyo nidaamka qorayo waxay aheyd inuu xoghayaha soo dhaweeyo wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ee sii hayaha ah balse qaladka ugu weyn ayaa ahaa inaan wasaaradda lagu wargelin imaanshaha wasiirka.

Ceebta ugu weyn ayaa ah in wasiirka ay garoonka Adan Adde kusoo dhaweeyeen shaqsiyaad ka tirsan shaqaalaha garoonka diyaaradaha iyo Saacid Celiye oo ah ninka garoonka u qaabilsan xagga amaanka.

Sidoo kale waxaa soo dhaweynta ka qeyb qaatay ilaalada gaarka ah ee safaaradda Ingiriiska ku leedahay Muqdisho taasina waxayna noqotay ceebtii ugu weyneyd oo ay gashay dowladda cusub ee Soomaaliya.

Dowladda oo leh wasiir arrimo dibadeed ayaa la garan waayey sababta keentay inay arrintaan dhacdo balse waxaa loo badinayaa inay sabab u tahay safarka wasiirka oo ahaa mid kadis ah, midaasna ma noqon doonto marmarsiiyo ku aadan ilaalinta protocol-ka soo dhaweynta madaxda martida ku ah wadankaaga.

Arrintaan ayaa dhaawac iyo sharaf dhac ku noqoneyso dowladda cusub ee Soomaaliya oo laga filayo inay xiriiro dhaw la yeelato dowladaha dariska iyo kuwa kale ee caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com