Ciidamo ka socdo Turkiga oo Muqdisho kusoo wajahan + Shaqada ay qaban doonaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo ay caasimadda Online ka heshay safaaradda dowladda Turkiga ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinayo in ciidamo ka tirsan dowladda Turkiga ay dhawaan imaan doonaan Magaalada Muqdisho.

Xogtaan ay Caasimadda heshay oo ah mid la isku haleyn karo ayaa sheegeyso inay dowladda Turkiga Muqdisho dhawaan usoo direyso tiro badan oo ka tirsan ciidamadeeda sida gaarka ah u tababar.

Tirada ciidamadaan ayaa lagu sheegay inay gaarayaa ilaa 4000  (Afar Kun) oo askari kuwaas oo dhawaan la filayo inay Muqdisho imaadaan, weliba waa ciidamo ay dowladda Turkiga si gaar ah usoo tababartay.

Wararka ayaa sheegayo inay ciidamadaan tababaro gaar ah siin doonaan Ciidamo ay dowladda Soomaaliya u rabto in si gaar ah loogu tababaro si ay u sugaan amniga Muqdisho iyo qeyb kamid ah Soomaaliya.

Turkiga ayaa xero lagu tababari doono ciidamada Dowladda ka sameysay Muqdisho waxaana dhawaan lagu xareyn doonaa kumanaan kun oo askari oo ay soo qori doonto dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegayo in ciidamadaan sidoo kale ay dowladda ka caawin doonaan suggidda amniga Muqdisho maadaama ay si fiican ugu tababaran yihiin  ka hor tagga qaraxyada iyo sidoo kale weerarada, gaar ahaan qaraxyada ay sameeyaan Al-shabaa, waxayna si gaar ah u ilaalin doonaan xarumaha dowladda.

Ciidamadan ayaa gacan ka geysan doona in la helo ciidamo awood badan leh oo Soomaaliyeed, waxayna si hagar la’aaneed ula shaqeyn doonaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin waqtiga rasmiga ah ee ciidamadaan soo gaarayaan Magaalada Muqdisho balse waxaa la filayaa inay noqon doonto marka uu Kheyre ku dhawaaqo golaha wasiirada.

Dowladda Turkiga ayaa wada shaqeyn dhaw la leh dowladda Soomaaliya, waana dowlad ay aad u jecel yihiin shacabka Muqdisho kadib markii ay si weyn ugu gurmatay xilligii ay abaaraha xun ku dhufteyn Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com