Aqriso: Shirkii Mayaaradda ee Muqdisho oo laga soo saaray bayaan 15 qodob ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay kulankii labaad ee Madasha Maayaradda Soomaaliya, kaasi oo ay garwadeen ka aheyd wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta DFS.

Shirkan oo ay ka qeyb-galeen guddoomiyeyaasha iyo guddoomiye ku-xigeenada degmooyinka ka socday dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, iyo wasiirada iyo agaasimayaasha guud wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad-goboleedyada, ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 15 qodob.

Dhinacyadan ayaa isla qaatay la dardar-geliyo dhamaystirka hanaanka dhismaha golayaahsa deegaanka dalka, iyada oo Madasha Maayaradda Soomaaliya ay soo jeedisay in la kobciyo awoodda maamulada KMG ah ee deegaanada hadda la xoreeyay, si loo gaaro nabad waarta, kasbasho dareen shacab iyo adeeg-bixin qaangaar ah.

“In kor loo qaado, lana xoojiyo maamul-daadejinta socota si dowladaha hoose u bixiyaan, una joogteeyaan adeegyada bulshada ee ku qeexan xeerarka dowladaha hoose iyo hanaanka adeeg bixinta daadegsan ee dalka.”

Sidoo kale waxaa lagu sheegay bayaankan in dhinacyadu isla qaateen in la abuuro nidaamka qorshaynta magaalooyinka dalka, maaraynta dhulka iyo dhismaha guddiyada xallinta khilaafaadka dhulka, si waafaqsan shuruucda, xeerarka, siyaasadaha iyo habraacyada jira.

“In la joogteeyo kulamada Madasha Maayaradda Soomaaliya si loo hubiyo in degmooyinka dalku helaan madal u gaar ah oo ay ku falanqeeyaan arrimaha khuseeya shaqadooda, islamarkaasna u noqon karaan kuwa dabooli kara baahiyaha bulshada deegaamadooda.”

Madasha Maayiradda ayaa ku baaqday in magaalada Beledweyne loo muujiyo garab istaag walaalnimo iyo Soomaalinimo, xilli ay ka taagan xaalad adag oo ay sababtay fatahaada wabiga Shabeelle.

Ugu dambeyntiina waxaa bayaankan lagu sheegay in dowladaha hoose ay dardar-galiyaan howlaha wacyi-galinta bulshada, gaar ahaan la-dagaalanka Khawaarijta iyo ka hortaga fikirka xagjirka ah.

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran: