Puntland oo baaq u jeedisay DF iyo maamullada kadib doorashadii taariikhiga aheyd

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ay ku bogaadineyso doorashada shalay ka qabsoomtay deegaanada maamulkaasi.

Maamulka ayaa waxa uu si weyn ugu bogaadiyay doorashadii shalay oo aheyd mid taariikhi ah shacabka reer Puntland, beesha caalamka iyo guddiga KMG ee doorashooyinka maamulka, oo iyagu kaalin mug leh ka qaatay hanaanka doorashada iyo inay si hufnaan leh ku qabsoomto.

War-saxaafadeedkan oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa loogu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada kale ee xubnaha ka ah inay sidaas oo kale qaataan nidaam dimuqraadi ah oo toos ah.

Puntland ayaa waxay dhinacyadaas ugu baaqday inay ka shaqeeyaan hanaankii deegaanadooda loo gaarsiin lahaa hanaanka doorasho qof iyo cod ah, taasi oo awood u siinaysa shacabka inay soo doortaan madaxdooda metalaysa, islamarkaana kobcineysa dhaqan ballaaran oo isla xisaabtan ah.

“Iyadoo la tixraacayo horumarka la wadaago, waxaan ugu baaqaynaa Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya (FMSs) ee Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) inay sidaas oo kale qaataan nidaam dimuqraadi ah oo toos ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

“Haddii aan sidaas yeelno, waxaan kobcin karnaa dhaqan ballaaran oo isla xisaabtan ah, horumarinta midnimada, iyo xaqiijinta in qof kasta oo Soomaali ah codkiisa aan si dhab ah u maqalno. Tallaabada wadajirka ah ee noocan oo kale ah waxay si aan la dafiri karin u calaamadinaysaa tallaabo muhiim ah oo hore loo qaaday socdaalkayaga wadaagga ah ee ku aaddan hannaankii dawladnimo ee loo wada dhan yahay, daah-furnaan iyo isla xisaabtan.”

Maamulka Puntland ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka codsaday shacabka reer Puntland inay kala qeyb qaataan dadaaladda lagu dhisayo isla xisaabtanka, “Anagoo ku guda jirna safarkan cusub ee socdaalkeena siyaasadeed, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan shacabka Puntland inay nagala qayb qaataan dadaallada lagu dhisayo dowlad la xisaabtanta shacabkeeda, taasi oo u gogol xaareysa mustaqbal barwaaqo iyo is-waafaqsanaanta dhamaanteen.”

War-saxaafadeedkan ay soo saartay Madaxtooyada ayaa imanaya kadib markii uu xalay madaxweyne Saciid Deni uu bogaadiyay sida nabdoon ay u qabsoontay doorashada qof iyo cod ee Puntland, taasi oo illaa 30 degmo ka qabsoomtay maalintii shalay aheyd.

Madaxweyne Deni ayaa u mahad-celiyay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ciidamada dowladda iyo dhammaan hawl-wadeennadii ka shaqeeyay qabsoomidda doorashada. Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay dhammaan ururrada siyaasadda ee ka qayb qaatay doorashada qof iyo cod, islamarkaana dadaalka geliyay in ay codka weydiistaan bulshada.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dareenka bulshada Puntland u qabto doorashada qof iyo cod uu taagan yahay meel aan laga soo noqon karin oo ay tahay in madaxdooda ay ku doortaan nidaamka qof iyo codka ah.