Aqriso: Ururka Shirkadaha Isgaarsiinta Somalia oo soo saaray war muhiim ah

WAR-SAXAAFADEED

URURKA SHIRKADAHA ISGAARSIINTA SOOMAALIYA OO SI WADA JIR AH MARKALE UGA BAAQAYA IN LA ILAALIYO DANAHA QARANKA

Mugadishu, November 29, 2018 – URURKA SHIRKADDAHA ISGAARSIINTA SOMAALIYEED (USIS) oo ah ay ku mideysan yihiin Shirkadaha bixiya adeegyada telefoonada iyo Internet-ka ee hoos ku xusan, ayaa Kulankooda Billaha ah uga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin xaalada Adeegyada Isgaarsiinta & Tiknoolajiyada ee dalka iyo halka uu marayo

Gabagabadii kulanka wuxuu Ururku soo saaray Bayaan ka kooban qodobadan hoos ku xusan:

  1. Dhamaan Xubnaha Ururka waxay walaac ka muujinayaan wadashaqeyn la`aanta joogtada ah ee ka dhaxeysa Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee ka dhalatay go`aanadii Wasiirka Wasaaradda ugu magacaabay xubnaha Guddiga Isgaarsiinta Qaranka si aan waafaqsaneyn Sharciga.
  1. Xubnaha Ururka waxay ku wargalinayaan dhamaan Ummadda Soomaliyeed, Xukuumadda Federaaliga ah, Golayaasha Baarlamaanka, iyo inta daneysa arrimaha Isgaarsiinta, in aysan qeyb ka aheyn Shirka loogu yeeray “Wada-tashiga Xeer-nidaaminta ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka” ee Wasaaraddu abaabuleyso si ay sharciyad ugu sameyso Xubnaha Guddigii Sare ee maamulka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee markii hore ku yimid sida sharcidarada ah.
  1. Ururku wuxuu ka digayaa mar kale cawaaqib xumada ka dhalan doonta go`aanada la rabo in lagu gaaro magaca Hay`adda sida dhismo guddiyo maareeya howlaha Hay`adda, dejin tariifooyin iyo istcimaalka hirarka Isgaarsiinta iyo cabiro khaldan ee habraaca bixinta xuquuqa dalka.
  1. Ururka Shirkaddaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed (USIS) wuxuu mar kale cod dheer ku sheegayaa in magacaabista xubnaha ee Guddigan Isgaarsiinta Qaran ay si toos ah uga hor imaneyso Sharciga Isgaarsiinta sida ku cad Qod. 10aad iyo Qod. 34aad
  1. Ururku wuxuu mar kale baaq u dirayaa Xukuumadda Somaaliyeed iyo inta u taagan danaha dalka iyo dadka in laga hortago marin habaabinta hadafkii Sharciga iyo in si deg deg ah dib loogu saxo khaladaadka jira si loo xaqiijiyo xalaal-noqoshada Hay`adda Isgaarsiinta Qaranka.

–DHAMAAD–