Cabdicasiis Lafta Gareen oo beelaha Digil iyo Mirifle ka waayey wax taageero ah

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in musharax Cabdicasiis Lafta Gareen uu ka niyad jabay sida ay u socdaan arrimaha doorashada ,gaar ahaan rabitaanka Digil iyo Mirifle.

Lafta Gareen ayaa ilaa 4 jeer ku hungoobay inuu la kulmo odayaasha dhaqanka ee Digil iyo Mirifle, waxaana la sheegay iney taasi walaac badan ku abuurtay.

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in Digil iyo Mirifle qaadan karin madaxweyne magac u yaal ah oo uu ula jeedo Cabdicasiis Lafta Gareen.

Qaar ka mid ah xubnihiisa ololaha doorashada ayaa laga soo xigtay in markii ay diideen in odayaashu ay la kulmeen Lafta Gareen iney bilaabeen in dad iska caadi ah ay arrimaha qabiilada kala shiraan.

Tiro labo jeer ah ayaa laga diiday Baydhabo iney ka dhacaan isu soobax loo abaabulay in lagu taageero Lafta Gareen, dadka deegaanka ayaana diiday oo u arka nin maqaar saar ah oo u shaqeynaya shaqsiyaad iyo beelo kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay iney lacag badan ku bixineyso sidii loo dooran lahaa Lafta Gareen, laakiin ilaa hada waxey ka iibin la’a yihiin bulshada reer Koonfur Galbeed.

Nabadoon Caliyoow Isaaq ayaa yiri “Xildhibaanada waa la iibsan karaa laakiin rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed lama iibsan karo, sidaa ha ogaato Dowlada dhexe”.

Diidmada Digil iyo Mirifle ay diideen musharax Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa laga yaabaa iney badasho mowqifka Villa Soomaaliya ee doorashada Koonfur Galbeed, madaama ay masuuliyad daro tahay in shacabka lagu qasbo qof ay diidan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
Caasimada@live.com